Waxaan Filaa Adigane inaadan Ka Mid Noqon Tobanaanka Xaasidiinta ah Ee Umadda Masaakiinta ah Ee Daruufta Ciishay Aan U Naxariisan Ee Danta Uga Faa`iideeysta
Sida Kuwa Odeygaan Maskiinka ah Ee Hadane Waayeelka ah Qowsaar inta Ka dhigtay Markii Uu Sodonka Maalmood U Raacay Xoolahooda Lacagtiisa Kula Meereystay. Kismaayo .ðŸ˜ðŸ˜
Waa 90" jir Duleedka Kismaayo Labaatan Kun Shilin Soomaali Xeeyn Ari ah Dadka Halkaa Dagan Ugu Raaco Ax Ax Aaway Naxariistii😢
Waa Awoowe Aad U Tabaaleysan Qol Ku yaallo Waqooyiga Magalaada Kismaayo Oo ah Xaafad Kaama dambeyso Ayeey Wadagan yihiin isaga iyo Xaaskiisa Oo ayadane Aan Ka Cimri yareen
Maxeey isku Ballansadeen Lamaanahan Waayeelada ah Ee Daruufta iyo Waayaha Ka Hiiliyeen Oo Aan Haysan Dad iyo Duunyo ay Ka Laab dagsadaan
Waxeey isku Ballansadeen Labadeena Keena Hor geeriyooda Kan Ka dambeeya Ha Duugo
Waxaan Aroor Walba Raacaa Xeeynta Ariga ah Dadka Waxeey Bisha isiiyaan Labaatan Kun Shilin Soomaali ah Wax ay igu tarto Ma jirto Daruufta ayaa igu Khasabtay Noloshaan Aan Ciirsiga laheyn
Waxaa Taas iiga daran Reeraha qaar ayaa Lacagta igu dhiba Aan isiin Nolol Kale Aan Tan Kaga Maarmo Ma leh.
Maalin Aniga Oo Geed Laamo Uga Soo guraya Xoogaa Ari ah ayaa Laan Geedka Ka soo fakatay isha iga Gashay Xitaa Qori ayaa iiga galay isha Waa ay i Cadaatay Lacag Aan isbitaal Ku Aado Waan Waayay Hadd Qeeyb yar Ayaan Wax Ka arkaa
Waayeeladan Silaca iyo Darxumada Ka Muuqato Ogow Waa Dad islaam ah Waxa Aan Isxaanka U Sameeynin Waa Dad ayagane islaamnimo Sheeganaya
Wareysi Murugo badan Oo Aad U dheeraa ayuu Siiyay Televusionka Universal Runtii Waa Aanyan daro
Umaddii Samaliyeed Ee Muslmiinta ahaa Waxaa Hal Mar Ka guuray Naxariistii
Samafalkii Ixtiraamkii Wax isa siintii
Qof Walba Oo Kismaayo Jooga Somaliya jooga Waxaa Waajib Ku ah in Dadka Tabaaleysan Laga War qabo
Haddii Wax Un U Aad Awoodo fadlan Kala Xiriir Tiviga Universal Xaruntiisa Kismaayo Wax Kale Haddaad Weeyso Fadlan U Share garee Walaalaha Kale Ee Wax haysto Ha U gurmadaanðŸ˜ðŸ˜ðŸ˜¢ðŸ‘‡
No comments:
Post a Comment