SUPPORT WEBSITE

Saturday, November 5, 2016

Qiso xanuun badan: "WAXAA BALAN IGU AH NINKASTA OO BARTO IN AAN CUDURKAAN KU RIDO".

Waxuu yiri waxaa maalin maalmaha ka mid ah anigoo maqaayad shah ka cabaya ayaa waxaa soo galay gabar aad u qurxoon, waligeey ma arag gabar ayadoo kale ah, ishaan aad ula raacay ayadana wey isoo fiirisaa.
Waan kasoo baxay maqaayadi, markey soo baxday ayaan soo raacay, ayadana wey fahantahay in aan soo raacay oo daneynayo, wey ii yeertay waxey isiisay telephonekeeda, waa maalmihi igu farxad badnaa noolasheeyda, aad iyo aad baan u farxad markey telephonekeeda isiisay.


Aad iyo aad baan gabadha uga helay, waayo saaid bey u qurxooneed, maalin ima soo marto ilaa waan la hadlaa, halmar, labamar,sadex mar, mar marka qaarna afar mar.
Lakinse nasiib daro, waxaa maalin ogaaday in gabadha aad iyo aad iga weyntahay, lakinse waxaas waa iska iloobay, quruxdeeda baa iga awood badnaatay, oo gabadhi jaceyl baa u qaaday, xariirkina waa la sii waday.
Waxaa kaloo ogaaday in gabadhu tahay gabar taajirad ah, waa farxay waayo waxaan isku helay qurux, jaceyl, iyo xoolo.
Gabadhu waxey ahayd gabar garoob ah(single mother), aad iyo aad buu gabadhi qalbigeyga u raacay, waxkasta oo aytahayna waa ku rabaa oo ku jecelahay.

Maalin maalmaha ka mid ah ayeey isoo wacday oo igu tiri, waxaad iga caawineysaa arimo ganacsi, oo waxaan kuu dirayaa wadan hebel si aad ganacsigaas igu soo fulisid, waa ka ogolaaday oo haye baan ku dhahay, waan farxay waayo waa talaabadi aan ku hanan lahaa gabadhaas quruxda badan iyo xoolaheedaba.

Tigidki baan jartay, oo diyaarad baan raacay, wadanki ay ii dirtay baan tagay, waxaan ku dagay hotel ay ii tilmaantay, habeen habeenada ka mid ah anigoo hotelki jiifo ayaa albaabka lasoo garaacay, yaa waayo ayaan dhahay qofka albaabka qaraacayo, qof dumar ah baa tiri aniga waaye, waan ka furay, waxeyba noqotay gabadhi quruxda badneed ee aan jeclaa, qolki bey soo gashay.

Waxey bilawday in ay ila fara cayaarto, waxaa ogaaday in ay rabto in aan ka zineyso, waxaa isku dayey in aan ka diido anigoo og in zinadu wax aad u xun tahay, hadane quruxdeeda baa iga awood badisay, oo zinadi baa ku dhacay oo waa kala zineysanay.

Waxaa iloobay hadalki Allah swt ee ahaa, "HA U DHAWAANINA ZINADA IN AAD SAMEYSAN ISKA DHAAFE WAAYO WAA WAX AAD U XUN, WADO LA QAADANA WADADAAS BAA UGU XUN".

Qalbigeygi gabadhi buu raacay, oo aad iyo baa usii jeclaaday, mudo sanadooyin baan wada soconay gabadhi, lakinse maalin maalmaha ka mid ah aniga iyo walalkeey oo gaari wada saaran, oo walalkey uu gaariga wado ayaa gaarigi shil nala galay, aniga waa ka badbaaday lakinse walaalkey baa la asiibay oo wax soo gaareen, dhaqsadiiba waxaa ula cararay isbitaalka, waxaa la geeyey meelaha dadka noolashooda qatarta ku jirto la geeyo, waxyar kadib daqtarki baa soo baxay oo waxuu yiri, dhiig baa loo baahanyahay si loogu shubo walaalkaa, waxuu i weeydiiyey dhiigeyga, waan u sheegay waxuu igu yiri waa kan loo baahanyahay, waa in aad sida ugu dhaqsiyaha badan ugu shubtaa si walaalkaa loo badbaadiyo.

Intaan dhiiga la iga shumin, baaritaan baa la ii diray, waa la baaray dhiigeygi, daqtarki waxu igu yiri, dhiigaaga laguma shubi karo walaalkaa, waan yaabay waxaa ku dhahay daqtar maxaa dhacay, walaalkey isku dhiig baa nahay, maxaa dhiigeyga loogu shubi karin, waxuu igu yiri ADIGA WAXAAD QABTAA CUDURKA DILAAGA AH EE HIV AIDSKA.
Waan yaabay, aduunki baa igu yaraaday, yaa Aids aa, yaa Allah, waa isla hadlay, oo xitaa waxaa ku hamiyey in aan isdilo oo dabaq iska tuuro ama tareen isku dhigo.


Waan fakiray oo is weeydiiyey meesha aan ka qaaday cudurka, waxaa soo xasuustay gabadhi aan ka zineystay, markiba waa wacay anoo xanaaqsan, waa u sheegay in cudurka la iga helay, markaan sidaa dhahayba qosol bey la dhacday, waxaan ku iri maxaa ku qosleysaa?
Waxey igu tiri waxaad ka mid tahay kuwo badan aan cudurkaan qaadsiiyey, sanado ka hor baa cudurkaan waxaa igu riday wiil, anigana waxaa balan ku qaaday, wiilkasta oo aan arko in aan u gudbiyo Aidkska.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA