Waxuu yiri, anigoo qurbaha ku nool mudo ayaa waxaa is baranay gabar soomaliyeed, gabadhii waxaa isku af garanay oo ku heshiinay in aan is guursano, AlhamduLiLAAH Alle waa isku keen calfay, waana is guursanay.
Gabadhii mudo markaan is qabnay, ayey uur qaatay oo xaamilo ayey noqotay, gabadhii aad bey ugu xanuunsatay uurki, dhibaato badan baa uurkii kasoo gaartay, daqtar baa u geeyey, waxey ahayd afar bilood, daqtarki markuu baaray ayuu yirahday, gabadha guriga kuma celineysaan, isbitaalka ayey joogeysaa inta ay ka dhaleyso(umuleyso), si aan u badbaadino ilmaha yar ee caloosha ku jiro.
Waa ka aqbalay goaanki daqtarka, sidi bey xaaskeyga isbitaalka u joogtay, waxaa ka shaqeynayey labo shaqo, waxey danta igu qasabtay in aan hal shaqo ka shaqeeyo si aan xaaskeyga ula joogo oo u caawiyo, magaaladaan daganahay soomali badan ma joogto, reerkeyga ama gabadha reerkeedana ma joogaan, oo wax ciidan ah oo gabadha intaan shaqada ku maqanahay la sii joogo ma haysto, waxey danta igu qasabtay in aan shaqaaleysiiyo gabar spanish ah si ay ugu adeegto oo u caawiso intaan shaqada ku maqanahay.
AlhamduLILAAH markey 7 bilood gaartay baa ilmihi laga soo saaray, gabar caafimaad qabta baa ii dhalatay, mashaAllah, xaaskeygina wey caafimaatay.
Markaan mudo joogno, ilmaheeni yaraana haysano aan noqonayna reer isku wanaagsan oo isku barakeysan, ayaa ilmo labaadna calool galay.
Ilmihi labaad markuu calool galay, gabadhi(xaaski) xanuuno badan baa lagu arkay, oo daqtaradi ku sheegeen, waxaana lagu dhahay naftaada qatar bey ku jirtaa, hadii ilmo kale aad dhasho ama aad uureysato adiga iyo ilmahaba naftiina qatar bey ku jirtaa.
Daqtarki baa igu yiri, gabadhaan dhalmo danbe ma jirto ay dhali doonto, caafimaadkeeda daraadeed.
Waxaa dhacday in sidi hore oo kale gabadha isbitaalka la seexiyo oo halkaas lagu haayo intay ka dhaleyso(umuleyso), ALHAMDULILAH ilmihi labaad baa noo dhashay, gabar kale beyna noqotay, mashaAllah.
Daqtarki waxuu ku yiri, marka ugu horeyso oo afartanka(40) ka baxdo ama caadada hesho waa in sida ugu dhaqsiyaha badan aad igu timaadaa si ilmaha lagaga xiro oo aadan uurkale u qaadin oo ilmo kale u dhalin.
Xaaskeyga aad baa u jeclahay, waxa ku iri waa arkeysaa waxa daqtarku leeyahay, naftaada baa halis galeyso hadii uur kale qaato, marka waa in aan balan kuu qabtaa si ilmaha lagaga soo xiro.
Wey diiday waxey tiri, aniga daqtar ma aadayo mana la isoo xiraayo, adiga hadii aad is xireysid adeey kuu taalaa ee ani isma xiraayo.
Waxaa ku iri naa daqtarki waxa uu ku lahaa miyaad ilowday?, waxuu ku yiri hadii uur qaato naftaada baa halis ah oo waa u geeriyoon kartaa.
Gabadhi(xaaski) waa isa soo taagtay, goaankeedi beyna ku adkeysatay.
Anigu waxaan ahaa nin luuqada garanaya gabadheyda(xaaskeygana) meysan ahayn mid luuqada garaneysa oo waxa daqtarka sheegayo fahmeysa, daqtarki baa ila fadhiistay oo ila hadlay, waxuu igu yiri, gabadhan hadii aysan is xireynin, hadeey uureysatana ay u dhiman karto, adigana aad mas,uul ka tahay, maxaa xal ah?
Waxaan ku iri, maadama aan xaaskeyga jeclahay, oo labo caruurna oo qurux badana ii hayso, aniga hala iga saaro xididka dhalmada. Ma rabo in xaaskeyga iga dhimato waa jeclahay waxaa doonayaa inta noolasheyda ka hartay in aan xaaskeyga la qaato ee daqtarow aniga iga xir dhalmada.
Daqtarki waxuu igu yiri, haku dagdagin, arinkaan arin sahlan ma ahan, hadii dhalmada kaa xiro waligaa dhali meysid ee ka fakir. Waxuu ii balamiyey dad khubaro ah oo dadka wax u sheego oo hubiyo in goaankaan uu yahay mid uu qofka ku qanacsantahay.
Sadex bilood baa maalin kasta oo sabti ah ku kalahaayey xafiiska khubaradi ila talinayey, si ay iga dhaadhiciyaan in uu yahay goaankaan go,aan aan ka laabasho lahayn, inta cimrigaga ka hartay in aadan waxbo dhalaneynin.
Markii sadexdi bilood ii dhamataay, casharadina ii dhamaadeen, si kastana la iila taliyey, ayaan xaaskeygi ayadana la tashaday oo ku iri, arintaas baan doonayaa in aan sameeyo, maadama adiga dhalmadi iska xiri weyday naftaadina ay qatar ku jirto, anigaa sameynayo oo dhalmada iska xirayo laakin daqtarka waxuu yiri waa in xaaskaaga kula saxiixdaa warqadahan, waa in ay saxiixdaa in aysan kaa tagi doonin mustaqbalka, hadhow ma oran karto ifur iyo waxaan loo joojin, maadama uu adiga dartaa ninkaan waxaan u sameeyey.
Waxey igu tiri, ma saas baa, oo ma adigaa dhalmada iska saarayo, haa baa ku iri, haye bey tiri iska saar keen aan saxiixee warqada. Daqtarki baan u tagnay, warqadi baan saxiixay ayadana waa saxiixday, inteysan saxiixin baa loo sheegay oo lagu yiri ninkaan adiga daraadaa buu sidaan u sameeyey oo dhalmada iskaga xiray, saxiix in aadan ninkaaga ka tageynin oo beri dhihi doonin i fur oo meel cidlo kaga tegi doonin. Waa isla joogeysiin inta cimrigiina ka hartay. Wey aqbashay weyna saxiixday.
Waa la iga saaray xididki dhalmada, mudo markaan xaaskeygi wada nooleyn oo ilmihi weynaadeen oo gabadhi noogu yareyd todobo(7) sano gaartay, ayey xaaskeygi isa soo taagtay, waxey tiri kulama noolaan karo in aan dhalaan rabaa, nin aan dhaleynin oo koran ah oo sidi neef geel ah iska soconaya lama noolan karo.
ilmaan u baahanay aan dhinto hadii rabo.
Waxaa ku iri naa soo adigi warqadaha saxiixay oo balan qaaday in aadan iga tageynin, waxey tiri aniga ilmaan u baahanahay in aan ninkale guursadaan rabaa, goaankeygana waa sidaas.
aad baan u murugooday, xaaskeygi wey i qayaantay, caruurihi bey kaxeysatay gurigiina wey iga guurtay, sharciga wadankana waa in warqad la xareeyo marka laba qof is furayaan oo maxkamad la tago, warqadi meysan xareyn, anigana ma daweyn oo maxkamad ma aadin waa iska dhaafay maadama ay tahay caruurteyda hooyadood. mudo yar kadibna wiil kale beey guursaday.
Anigi waligey dhali maayo inta cimrigeyga ka hartayna sidaan baan ahaanayaa, gabadhi aan ayada darteed sidaas u sameeyeyna wey iga tagtay, waxaan qisadaan usoo gudbinayaa oo idinla wadaagayaa, si aadan u sameynin waxa aan aniga sameeyey oo kale.
QISADOO MUUQAAL(VIDEO) AH SI AAD U DAAWATO, SAWIRKA HOOSE KU DHUFO.
SUPPORT WEBSITE
Friday, November 4, 2016
Home
/
QISO MACAAN
/
Qiso xanuun badan
/
Qiso murugo badan oo ku dhacday wiil soomaliyeed oo qurbaha jooga. Ayada darteed baan dhalmada iskaga xiray lakinse....
Qiso murugo badan oo ku dhacday wiil soomaliyeed oo qurbaha jooga. Ayada darteed baan dhalmada iskaga xiray lakinse....
MULKIILAHA WEBKA Ibrahim Hashi ahmed
Qiso xanuun badan
Labels:
QISO MACAAN,
Qiso xanuun badan
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
No comments:
Post a Comment