SUPPORT WEBSITE

Thursday, November 3, 2016

QISO CAJIIB AH: DHOWRSANAANTIISA BUU ALLE UGA BADBAADIYEY IN UU CUDURKA HIV KU DHACO.

waxaa ka Sheekeeyey Sheekha Daaciga ahaa ee Sheekh Dr. Maxamed Cariif, wuxuuna ku bilaabay sidatan:-
Fasaxii waxbarashada markii la gaaray ayey isku Waafaqeen inay Fasaxa tagaan mid ka mida Wadamada Reer Yurub, si ay Fasaxooda ugu soo qaataan halkaas, iyagoo ka kooban Saddex wiil oo Dhalinyara ah, saaxiibana ah oo u dhashay wadan ka mid ah wadamada Khaliijka.

Haddaba, Dalkii ay rabeen ayey tageen, waxeyna kireysteen Hotel ka mid ah hoteelada magaalada ugu Qaalisan, ka dib Hal habeen markey Seexdeen ayey go'aansadeen iney Tumasho tagaan. hase yeeshee wiil ka mid ah wiilasha oo ahaa wiil lagu soo Tarbiyeeyay Allah ka Cabsiga ayaa ku diiday Fikirkaasi, isagoo leh:- Walalayaal illaah ka baqa Masjidka aynu aadno Diinta aan soo barano oo inaga dhaafa Xumaanta aad Sheegaysaan. Balsee Labadii kale wey ka diideen hadalkiisa, iyagoo dhahaayo Reer Baadiyo ayaa tahay oo waad dambeysaa, naga har adiga, weyna isaga tageen. Xumaan iyo Khamro iyo wax walbana wey soo sameeyeen,
Haddaba arkey soo laaban rabeen ayey is weydiiyeen haddii aan u tagno inaga oo soo Tumanay, isna uunsan soo Tumanin wuu ina Ceebayn doonaa markaan Wadankii u laabano ee maxaan ku samaynaa Saaxiibkeen?.
Mid baa yiri aan la heshiino Naagtii aan la Tumanay oo ahayd midda ugu Quruxda badan, kuna dhahno Ninkaas naga Afgaro oo guriga ayaan kuugu geeneynaa hadduu xumaanta kula sameeyana waxaad leedahay Lacagtaas intaas dhan, wayna ka yeeshay arinkaas,

Intaas ka dib Gurigii ayey yimaadeen Xilli dame oo habeenkii ah, Albaabkii ayeyna ku garaaceen Wiilkii oo iska sii Hurda ayaana ka Furay Albaabka Qolkiisa, ka dib Gabadhii ayey u geliyeen, ka dibna korka ayay kaga Xireen Qolka si uunsan uga soo bixin, waxeyna u Dardaarmeen Naagtii iney u Adeegsato waddo kasta oo Suurta gal ah si uu kuugu dhaco. Run ahaantii wey sameysay waddo kasta oo Suurtagal ah, Hase yeeshee wey ku Guuleysan weyday Wiilkaa Dhalinta ah ee Qalbigiisa iimaanku buuxiyay.
Markuu iska kari waayay Naagtii ayuu ku dhahay wax ma kuu sheegaa Naag yahay , Haa ayay tiri, wuxuu ku yiri Anigu waxaan qabaa Cudurka HIV Aydhiska. (wuxuuna sidaa u yiri bal inay ka Cabsooto Cudurkaasi, ka dibna uga joogsato xumaanta). laakiin iyadii ayaa ka sii dartay oo waxay ku tiri imisa sano ayuu ku hayaa ?.
Wuxuu ku yiri Sanad ayuu i hayaa.
Waxey ugu jawaabtay aniga Saddex sano ayuu i hayaa dhib malaha ee Kaalay!.

Kadib markuu maqlay ayuu aad u naxay, kolkaas ayuu ku dhawaaqay Waryaada, isaga oo la hadlaya Asxaabtiisii Guriga ku xiray, markey dhawaqiisii ka yaabeen ayey Albaabkii Fureen, weyna weydiiyeen waxa helay, wuxuuna ku yiri War naagtan miyaad u wada tagteen Labadiinuba ?, Haa ayey yiraahdeen, markaasuu yiri hadaba Aydhis ayaad qabtaane la socda.
Naxdin ayay la Dhiman gaareen habeenkii oo idila ma eysan Seexanin, Subixii markii uu waagu baryay ayey aadeen Dhakhtarka, waxaana laga helay Dhiigii laga qaaday iney sidaan Labadoodiba Cudurkaa HIV Aydiska.
Markaasuu yiri wiilkii waxaan soo Xusuuastay Hadalkii Nabiga CSW, ee ahaa
إتق الله حيث ما كنت
Meelkasta oo aad joogto Allah ka Baq.
Wabillaahi Towfiiq.
(ALLOOW TOWFIIQDA NA WAAFAJI)
W.Q:-Macoow Ustaad.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA