SUPPORT WEBSITE

Wednesday, November 2, 2016

QISADII NAZIID: WAXEY I WEYDIIYAAN MAXAADAN U AADIN AROOSYADA WAA YARTAHEE, MAA ISKA BAASHAASHID?

Waxay tidhi Aabe waxuu geeriyooday aniga oo yar, waxaan ahaa Yaraanka Hooyaday, isla markaana Ilmaheeda waxaa kala noolaa aniga iyo cunug ay walaashay dhashay.

Hooyo waxay ahayd qof Iimaan iyo Alle kacabsi badan, markastana ku taagan wadadii Alle (SW), Waxay iga dhigatay saaxiib, oo waxay fursad ii siisay inaan lawadaago wax kasta oo noloshayda kusoo biira, xitaa heer waxaan gaaray haddii uu nin damco inuu ishukaansado inuu gurigeena imaan karo oo aan fariisano meel u dhow hooyo.

Hooyo waxay ahayd qof uu Allaah siiyay xikmad & caqli saliim ah, waxay iiga sheekayn jirtay sheekooyin dad ku dhacay, ayadoo markaas sheeko ahaan iiga dhigaysa, laakiin ay ka ahayd waano iyo inay ifahansiiso nooc yada dadka ku nool dunidaan iyo siday dadka u khiyaanaan, tusaale sida ay Raggu u khiyaanaan dumarka isla markaana ay uga faa’iidaystaan.

Waxaa dhacday inaan noqdo qof nolosha wax badan ka fahansan, “theory” ahaan .
Waxaa lagaaray xiligii ay hooyo dunidaan katagi lahayd ayna u hoyan lahayd gurigeeda runta ah “Aakhiro” (Allaha jannah Al-fardows kawaraabiyo).

Waxaan galay nolol mugdi ah oo murugo badan, wax kasta way is badaleen, dunidii dhamayd ee habeen iyo maalinba ii iftiimaysay ayaa gebi ahaanba mugdi isku badashay, wehelkii hooyo nimo iyo kii saaxiibtinimo ayaan mar qura wada waayay, waxaan galay nolol ka duwan tii hore, waxaa igu adkaatay inaan kusii noolaado Wadankii iyo magaaladaan daganayn, waxkasta waxay i xasuusin jireen hooyo.
Bilo kadib waxaan imid Kenya gaar ahaan Nairobi.

Hooyo waxay ahayd qof Samir iyo adkaysi badan, sidaa darteed waxaan bartay macaanka uu leeyahay Samirka iyo isku xirka Allah, hankii aan lahaana ma uusan wada dhiman oo riyooyinkii ay hooyo iimuujisay ayaan wali lahaa.

Markaan Nairobi imid waxaan ladagay gabdho, Nairobina waa meel ay dhalintu ku lumaan ilaa intii uu Allah badbaadiyo mooyaane.

Nasiib wanaag gabdhaha aan ladagay waxay ahaayeen kuwa uu Allah badbaashay, oo aan nolosha ka dhicin. Waxaan bilaabay Iskuul oo halkaas ayaan noloshaydii kasii watay si aan u gaaro yoolkii aan lahaa.

Waxaa dhacday in asxaabtii aan ka bartay Nairobi uu midkasta ila yaabo, waxayna i weydiiyaan su’aalo aanan jeclaysan kuwaasoo ay kamid yihiin “Naziid maxaadan u aadin Aroosyada, Xafladaha iyo Show-yada? Maad iska baashaashid qof da’a yar baa taheye, haddana Nairobi family-kaaga uma badnee oo cid kaa celinaysa malahane?

Runtii aadbaan u da’yaraa balse markasta oo aan damco inaan isku daro asxaabtaas oo aan dhaho, maxaa kaa takooraya ayaga, waa iska caadi waxay samaynayaane, waxaan xasuusta sheekooyinkii iyo hadaladii hooyaday, markaas ayaan Allah u noqdaa oo dambi dhaaf waydiistaa.

Alxamdullilah maanta waan shaqaystaa, Bulshada iyo meeshaan ka shaqeeyana waxaan ku leeyahay Sharaf oo qofkasta wuu i xusheemeeyaa wuxuuna igu dhiiri galiyaa inaan saan iyo si ka wanagsan kusii socdo.

Hadaba haddii hooyo aan dunidaan ku noolayn ay noloshayda saamayntaa intaas le’eg ku yeelatay, bal qiyaas saameynta ay kuyeelan karto hooyada nooli ubadkeeda?

Allah ayaa Mahad oo idil ay u sugnaatay iyo hooyadii igusoo barbaarisay wanaaga, waxaan ogaaday hooyadu inay ilmaheeda ka dhigi karto sida ay jeceshay inay noqdaan.


No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA