SUPPORT WEBSITE

Wednesday, November 2, 2016

Nin reer Baadiyo ah oo Nabiga (S.C.W) Ka ooyinsiiyay! Qiso kaa ooyin doonta!

Maalin Nabiga (C S W) isagoo xaalada dadka eeg'eegaya, waxa ay ku howlanyihiin fiirinaya ayuu maqlay nin reer baadiyo ah oo leh: Yaa kariim 
Rasuulka wuxuu ku dhahay: Yaa kariim 
Reer baadiyihi wuxuu dhahay: Yaa kariim 
Rasuulka wuxuu dhahay: Yaa kariim 
Reer baadiyihi inta fiiriyay ayuu ku yiri: Ninkaagan wejiga furan ee qaabka qurxan inaan reer baadiyo ahay darteed miyaad iigu jeesjeesaysaa!? Illaah baan ku dhaartaye wejigaaga furan iyo qaabkaaga toosan ayaan kugu dhaafay ma ahane Nabiga ayaan kaaga dacwoon lahaa.


Rasuulka inta dhoola caddeeyay ayuu yiri: Yaa akhul Carab (Walaalka carbeedoow) Rasuulkaaga ma taqaanid? Wuxuu dhahay: Maya, waan aaminay mana arag, waan rumeeyay mana la kulmin.
Wuxuu ku dhahay: ogoow inaan ahay rasuulkaaga adduunka iyo shafiicaaga aakhiro.
Wuu u soo cararay oo jilba jabsaday iskuna dayay inuu gacanta ka shumiyo. Wuxuu rasuulka dhahay: ha igu sameyn sida loo sameeyo boqorada Ruum iyo cajamta!
Jibriil ayaa soo degay oo dhahay: Salaamu caleyka yaa Muxammad, Rabbigaa wuxuu ku leeyahay ku dheh kan kula jooga yuusan damcin deeqdeenna waan xisaabineynaa maalinta Qiyaamo. Reer baadiyihi wuxuu dhahay: Illaahey ma I xisaabinayaa Rasuulki Alloow!?
Wuxuu ku dhahay: Haa, insha Allaah
Wuxuu dhahay: Wallaahi hadduu I xisaabiyo anigana waan xisaabinayaa
Wuxuu ku dhahay: Maxaad Rabbigaa ku xisaabineysaa yaa akhal Carab!?


Wuxuu dhahay: Hadduu dembigeyga igu xisaabiyo waxaan ku xisaabinayaa dembi dhaafkiisa, hadduu igu xisaabiyo bakhiilnimadeyda waxaan ku xisaabinayaa deeqsinimadiisa, hadduu igu xisaabiyo tabar-daradeyda waxaan ku xisaabinayaa awooddiisa, rasuulka wuu ooyay illaa ay gerkiisa ka qoysay, Jibriil ayaa soo degay oo dhahay: Rabbiga wuxuu ku leeyahay ooyinta jooji, waxaa ku mashquulay malaa’ikta Carshiga ximbaarsan tusbiixda, midka kaa ooyinaya.  ku dheh: yuusan na xisaabin ma xisaabineynee wuxuu noqonayaa rafiiqaaga janada. Yaa Allaah!

 ILAAHAYAW naga yeel rasuulka macigiisa janada CSW  (amiin)

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
  • Sheeko Xikmad weyn xanbaarsan aadna u cajiib badan. Ninkii cowsha boqorka xaday.
    25.01.2016 - 0 Comments
    Waxaa La yiri nin baa wuxuu qabay xaas waxeey aheyd mid uu jeclaa, waxeeyna daganaayeen magaalo uu xukumo…
  • Qiso cajiib ah: Nin saalixiinta ka mid ahaa oo ziyaartay qabuuraha.
    29.04.2014 - 0 Comments
    QISO CAJIIB AH.Nin Saalixiintii ka mid ahaa ayaa Maalin Ziyaartay Qabuuraha, Markaasaa la waydiiyey:- Xagee…
  • QISO YAR OO CAJIIB AH.
    11.11.2015 - 0 Comments
    QISO YAR OO CAJIIB AH.Nin ka mid ahaa Saalixiinta oo la Oran jiray C/laahi IbnuMubaarak ayaa Sannad wuu…
  • Qiso aad u xanuun badan.Gabar ayaa waxay Xaramka ku dhex aragtay maamo weyn oo ooyeeysa gacmahana kor u taageysaa oo
    31.10.2015 - 0 Comments
    Qiso aad U Xanuun Badan. Gabar ayaa waxay Xaramka ku dhex aragtay maamo weynoo ooyeeysa gacmahana kor u…
  • Ka faa,ideyso Xikmadaan qaaliga ah.Qaladaadku ma aha Dhammaadka Nolosha, mana ah dhammaadka rajada guusha, balse
    02.12.2015 - 0 Comments
    XIKMAD WAAYO ARAG AH WWW.DAARUSALAAM.COM XIKMAD WAAYO ARAG. 1- QALADAADKA OO AAD WAX KA BARATID:-…
  • Hooyo Gabadheeda oo aroos ah la dardaarmeysa: Gabarteydiiyay u noqo ninkaga sida walaashii oo kale.
    28.01.2016 - 0 Comments
    Hooyo ayaa gabadheedii la fariisatay inta aynan guriga habeenka koowaad ee aroos-ka ah la geeynin , waxaana…
  • Sheeko Xikmad leh: Wiilka fasalka ku dhexhurday, kadibna xaliyey su,aalo boqolaal sano laga jawaabi wayey.
    19.08.2013 - 0 Comments
    Ardey caajisloow ah, habeenkiina dhafri jiray, ayaa maalin maalmaha kamid ah, waxa uu kasoo qeyb galay,…
  • Sheeko Murti Badan Xambaarsan: Haween waa Todoba(7).
    07.10.2016 - 0 Comments
    Oday-dhaqameed Soomaaliyeed oo waayo hore jiray, waaya-aragnimo ballaaran u lahaa arrimaha bulshada, xagga…
  • QISO CAJIIB AH: DHOWRSANAANTIISA BUU ALLE UGA BADBAADIYEY IN UU CUDURKA HIV KU DHACO.
    03.11.2016 - 0 Comments
    waxaa ka Sheekeeyey Sheekha Daaciga ahaa ee Sheekh Dr. Maxamed Cariif, wuxuuna ku bilaabay…
  • Sheeko Yaab badan: adiguna lugo ii noqo anigana waxaan kuu noqonaa indho.
    01.02.2016 - 0 Comments
    Qayaanada waa wax xun, somalida waxey ku mahmaahdaa: "God dheer ha qodin, hadii aad qodana ha dheereyn ku…
  • QISO MURUGO BADAN: WAXEY TIRI NINKEYGA BAA KUFSADAY GABADHEYDA YAR AYNU DHALNAY.
    15.11.2016 - 0 Comments
    HOOYADANI Waxay hadalkeeda ku bilaabaysaa "Waxaanu ahayn Qoys yar oo iska ladan, Duruufa badan oo Nolosha ah…
  • WALAAL HA ILAAWIN GEERIDA.Saacad Kasta oo Ku Dhaafta Waxa Tagey Cimrigaagi Waxa...
    01.12.2015 - 0 Comments
    walaal xasuusnoow geerida oo marnabaha ilaawin insha Allah Saacad Kasta oo Ku Dhaafta Waxa Tagey…
  • QISO; WALAAL KU SHUKRI NIMCOOYINKA ALLE SWT KU SIIYEY.
    02.05.2016 - 0 Comments
    Wiilkaan waxuu ahaa 24 jir carab ah ,, Maalin ayuu gaarigis qaatay si uu usoo booqdo asxaabtiisa , Waxuu La…
  • Aabe Maxay Dumarka u Ilmeeyaan!..
    29.03.2015 - 0 Comments
    Wiil ayaa Waxa uu Waydiiyay Hooyadii " Hooyo Maxaad la Ilmaysaa? Waxay ugu Jawaabtay Hooyo Waxaan ahay…
  • SHEEKO QALBIGA TAABANEYSA. Inta uu waalidkaa noolyahay ka duceyso, marka uu geeriyoodo shalayto waxba kuuma tareyso
    14.10.2013 - 0 Comments
    SHEEKO QALBIGA TAABANEYSA.Wax badan waad aqrisay sheekooyin ku saabsan jaceylka Hooyo ilmeheeda u heyso,…

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA