SUPPORT WEBSITE

Wednesday, October 26, 2016

QISO CAJIIB AH: IMAAMKII AGOONTA DAYACAY KADIBNA RIYO KU ARKAY NABIGASCW

Waa Hooyo leh Afar Hablood oo Yaryar, Ninkeediina waa Geeriyooday Waxay ahaayeen Reer Danyara waxaana Masaariiftooda Markii hore Soo Xoogsan jirey Ninkeeda, Hadase waxa helay Xaqii(geeri), Gabadhani Waxay Degan tahay Magaalo Dadka Islaamka ahi ku Badan yihiin, Waase ku Adkaatay Iney Hesho Caawimo, Kadib silic iyo Saxariir Badan Waxay Go'aansatay inay ka haajirto Waxay U Haajirtay Magaalo ay ku Badan yihiin, Dad Caabuda Asnaamta iyo Dhagaxaan, Waxay Raadisay Meel Masaajid ku yaalo , Markii Dambe waxa loo Tilmaamay Meel magaalada Korkeeda ah in Masaajid ku yaalo, waa U lugeysay, Waxay Timid Masaajidkii Waxay La kulantay Imaamkii Masaajidka Waxay u Sheegatay Waayahay Soo Maray, Iyo Siday u Dhibaateysan yihiin Iyada iyo Caruurteeduba, Waxuu Imaamkii Masaajidku Ku yidhi "Maxaa Cadaynaysa Inaad Islaam tahay" Gabadhii Waa Garan Wayday Si'ay Ku Cadeyso in ay islaam tahay Waase Iskaga Tagtay, 

Waxay Hadana Bacaadka Iyo Kulaylka Cadceeda Socotaba waxay Kusoo Baxday Meel ay ku Cibaadaysanayeen Dad Dhagaxaan iyo Asnaam Caabudaya, Waxay U Tagtay Ninkii Wadaadka U ahaa, Waxay U Sheegatay Dhibteeda, Wuu Kaxeeyey Waxuu Geeyey Gurigiisii, Afartii Hablood ee Gabadhu Wadatay iyo Iyadiiba Waxuu Dhahay Gurigayga iska Deganaada, Wax ka Cuna, Gurigani Waa Gurigiinii oo kale
Markii ay Maalmo Halkii iska Deganaayeen, Kuna Nasteen, Ayaa Imaamkii Masjidkii Habeen Ku Riyooday Rasuulkii Alle (CSW) oo Hortaagan Guri Weyn oo Janada Ku yaala oo aad U Qurux badan, Dad badan oo Imaamku Ku jirana Hortaagan yihiin Isagoo Ku Dhawaaqaya Waar yaa Islaam ahoo Gurigaasi Siiyaa ? Markii uu Kalmadaasi Yidhi ayaa Waxa Gacanta Taagay Imaamkii, Markaasa Rasuulku (CSW) soo Jeestay oo Ku yidhi Adiga Maxaa Cadaynaya Inaad Islaam Tahay ? Sawdigii Caruurtii Yarayd ee Agoonta ahayd Iyo Hooyadoodba U naxariisan Waayay


Markuu Aroortii Toosay Ayaa Imaamkii Isagoo Dhag la Qabto Lahayn, Lacag Badana sii Qaatay Raadiyey Hooyadii iyo Caruurteedii, Waxuu Cid Waraystaba waxa loo Sheegay In Wadaadkii Kaniisada ay gurigiisa Joogaan, Waa uu Orday Waxuu Ugu Tagay gurigii Wadaadkii Kale ayuu Ku yidhi " Inta aad Doonto Sheego lacag oo Fadlan Igu Soo Wareeji Caruurtii Iyo Hooyadood, Wadaadkii Kaniisada ayaa Intuu Dhoolo Cadeeyey Kaxeeyeyna Ayuu Waxuu Tusay Caruurtii yaryarayd oo la Ciyaaraysa Caruurtiisa Iyo Hooyadood oo La joogta Xaaskiisa oo Faraxsan Waxaanu Ku yidhi, Waar Caruurtan iyo Hooyadood lagama yaabo inay Gurigani ka baxaan waayo Waa Raxmad IYO Naxariis Noo Soo Gashay Xalay oo Dhana way Nooga Sheekaynaysay Diinta Islaamka, Waana ay Na islaamisay oo Waxaanu Gabigayagu Wada Qaadanay Diinta Islaamka, markuu Intaasi Yidhi ayuu Imaamkii Masaajidku Candhuuftiiisi Dib u Liqday Markuu sii baxayay imaamkii ayuu Wadaadkii Islaamay Kadaba Yidhi " RIYADII XALAYNA WAANU KULA ARAGNAY"


FG: Agoonta oo La Dayaco Waxa lagu Mutaa Halaag, Hadii Ilmo yar oo Agooni ooyo, Waxuu alle Yidhaa "Waar yaan Baroorta Naarta Ka aamusiiyaa oo Ilmahaasi Yar iga Aamusiiya" U NAXARIISO AGOONTA
Qisadani Waxan Kasoo Turjumay Buuga layidha Al Saaca Wal Saaca waxana Qoray Sheekh Maxamuud al-Masri
Gebigeenuba waxaynu Nahay KHair doon, Hadii Aad Tahay Akhristayaasha Ku xidhan Qisooyinka Bogani Fadlan soo Qor " Jazakumulaahi Khayr'
GAADHSIINA ASXAABTAADA ADIGOO SHARE Gareynaya Jasakumulaahi Khayrun Waad Mahadsantihiin

1 comment:

  1. Ajar badan Allah jagugu bedelo inta aad nagu bararujisay

    ReplyDelete

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA