Waxay tidhi Waxaan ku bartay fur furnaan Hadal dabacsan iyo fud fudayd ila xiligii isbarashadeenii waxaan ahayn dad isla jaan qaada oo aad u wada qosla
Marna kama daali jirin inuu i farax galiyo kalsoonida dhexdeenuna waxay ahayd mid la mid ah dad isku dhex nool oo hal calool hal wadne iyo hal maskaxleh
Waligiis imuuusan dhibsan waxaan waydiistana wuxuu aha mid markasta ii fududeya xata haduusan hayn ima oron jirin ma hayo waxaan isku guursanay farxad tii ugu bilnayd waxaana noqonay lamaanaha ifka ugu farxad iyo quruxda badan
Waxaan u adeeca sidi ilaahay i faray waligayna hadal ka caraysa kuma oron xiliga uu shaqada ka yimado aniga waan aqaanay sidii saacada alarm ka ama alaarmiga ayay qalbigayga ugu xirnayd xiliga u shaqada ka soo baxana daqiiqad ma sooo dib dhici jirin wuxuuna ahaa shaqsi igu farax galiya waxyaabo madadaalo ah
xata mararka qaar wuxuu ii keeni jiray hadiyado qaliya waxanse meesah ka marnayn inuu ii keeno mar mar alaabo iga qoslin jirtay sida nacnac shukhulaato iyo jalaato
waligiis albaabka cid aan ani ahayn kama furin waxaana ahaa qofka koowaad ee markuu albaabka ka soo galo indhihiisu qaban jireen farxad aan dareemayo darteed albaabka markuu ka so galo indhahaan isku qaban jiray si uu ii qaado
xata ma eegi jirin inuu qof kale la socdo waayo kalsooni ayaan ku qabay ooo wuu ii sheegi jiray hadii cidi la socoto intuusan soo bixin
saas albaabka markaan uga furo wuu i qaadi jiray wuxuuna sidii ilmihii ii xambaari jiray ilaa sariirta waxaaba u diyaarsan biyo diiran shukumaankiisa iyo wixii agab aha ee uu xiligaas cuni laha oo aad u carfaya
waxaan farxad iyo barwaaqo dhex mushaaxnaba waxaaa ii dhashay sanadkii sadexaad oo aanan wax ilmo ah u dhalin gacaliyahayga
Sanadkaan sadexaad wuxuuna iigu bilowday murugo waxaan waynay farxadii na dhextaalay waxaana noqonay dad ku sii siiqaya farxad la.aan waxaana dhibkaas keeney ku tiri ku teen iyo faamilka wiilku ka dhashay oo aad noo cadaadiyey
mar marka qaar sodohday waxay guriga igu iman jirtay ayadoo ay caro ka muuqato waxayna ayadoon i salaamin i oron jirtay naa guumaysyahay uur ma leedahay wiilkayga iska haysta waa laguu sixray mar hore ayuu caruur dhalilaha balse waxaan rumausnaa qadarta oo aan aamin sanaa allaah SWT
wiilka waad iga sixirtay iyo hadalo qalbigayga xabad ku dhacaysa lamid ah ayay i oron jirtay sodohday balse anigu wax jawaab ah uma celin jirin oo xun aan ka ahayn hooyo mcn so fariso is daji hooyo qali ilaah ba bixiya hadiyadaas walina ma hayo
si jees jees ah ayay iiga tagi jirtay mar marka qaarna waxaa ii iman jiray anoo iska ooyaya gacaliyahayga waxaan saas ahaanaba
style="display: none;">
waxa dhashay sanadki 4aad waxaana goaan ku qaatay inaan tago waxaan la xiriiray abahay oo xiligaas joogay america waxaan go aan ku gaaray inaan wax walba lasocod siiyo wuxuu ii sheegey america inuu ikeeni doono oo lacag 30kun oo dollar ah u qorsheeyey si layn laygu gado arintii ayaan hoos uga sheeegy xaajigayga waxaana ku iri sidaas ayaa jirta adna iska guurso aniga inan waqti danbe kasii dhumiyo ma rabo
xaqiiq wuu i jeclaa walow uu awlaad rabay hadana asagoo ilmaynaya ayuu iga aqbalay codsigayga
Intaanan tagin waxaan bilaabay inaan cuno malab iyo xabad sowdo ay hooyadey hada ka hor ii keentay mudo 20 cisho ah ayaana cunayay
hada waxaa soo dhawaatay bishii aan bixi laha waxana sabtida ku qoranahay diyaarada u socoto itoobiya si halkaas aan howshaydii iga sii socoto waxaan is waydiyey 20 cisho oo aad cunaysay daawadaas MALABKA iyo XABAD SOWDADA ma aadan helin wax caado ah ee maantaba isa soo baaar waana shakiyey si hoose ayaan dhaqtar u aaday
xata mararka qaar wuxuu
waxana iska baaray uuur waxaan xiligaas helay ilaahay hadiyahadaha uu bixiyo mida ugu qaalisan oo ah ilmo walow IIMANKU yahay hadiyada kowad
waxaana ogaaday inaan uuur u leeyahay gacaliyahayga waxaan laba bari kadib ku qornahay diyaaradii aan ku anba bixi lahaa waxaan ku laabtay xaaafada anoo wata warqadii shaybaarka oo xiligaas aan qaadi waayay culayskeda warqadaas waxay igala cuslayd 100 kiilo waana wax iga yaabshay
sida caadada ahayd xiligiisii uu iman jiray markii la.gaaray ayaan oohin iska qabsaday mar waan kaca mar waan fariistaa side ugu sheegtaa maxa samaysa qalbiga ayaa hadba wax i dhahaya albaabka markuu saas u sooo garaacay ayaan anoo maro ka fudud booday waxana ka furay albaabka
asagu qof iman badan ayuu aha ee familkisa ayaa qalbiga ka dilayay hab ayaan siiyey anoo maanta shucurtaydu ka badalan thy sidii hore waana soo kexeyey kuma dag dagin inan u sheego hadiyada aan u wado markuu qubaystay cunadii uu cunay oo uu sariiirta isku kala bixiyey ayaan si diiran inta usoo ag jiifsaday u dhiibay warqadii
xata mararka qaar wuxuu wuu furay warqadii wuuna iska ilmeyey wuu u qaadan wayay gabenkaas ma anaan seexan farxad iyo oohin darteed waxaana sidii uga baaqday safarkiii waxaana no soo noqoty farxadii naga haajirtay hada waan wada noolnahay waxaana u haya wiiil iyo gabar sodohdayna qadarta alle ayey rumaysatay waliba hada farxad ayay igula jogtaa inay danbi iga gashayna markasta way qirtaa wayna i raali galisaa Alxamdukialh Waxay tidhi Waxanan halkan kusoo gaadhay samir ilaahayna wuu ii naxariistay samirka ha la ogaado.
No comments:
Post a Comment