SUPPORT WEBSITE

Sunday, October 30, 2016

Qisadii Marwo Caaliya Maxamed, Gabadhii Maktabaddii Waddankeeda Badbaadisy!

Marwo Caaliya Maxamed, waxa ay shaqaale ka ahayd maktabadda ugu weyn magaalada Basra ee dalka Ciraaq sannadkii 2003-dii waxaana dhacday in Ciidamadii Ciraaq ay soo galaan maktabaddii, dabeedna korkeeda ayey ka dhigteen dhufays ay dayuuradaha iskaga dhiciyaan. Kadib Marwadan ayaa codsatay kutubta, documents-ka iyo muuqaallada qaaliga ah ee maktabadda yaalla in gurigeeda loo raro, si looga badbaadiyo burburka ay dagaalladu sababi karaan.


Nasiib xumo se, soo jeedinteedii iyo codsigeediiba waa laga diiday! Laakiin se, Marwo Caaliya Maxamed, waxa ay go'aansatay in ay buugta habeen nimo la baxdo, oo ay u tahriibiso meel ay ku nabadgelayaan.
Sidii ay Marwo Caaliya sheegaysay ayaa dhacday oo, maktabaddii waa la burburiyey! Laakiin, nasiib wanaag, Marwo Caaliya, waxa ay badbaadisay in ka badan 30.000 (Soddon Kun oo buug, document iyo xogo kale oo muhiim ah.
Waxaa hadaba dhacday in haweenay Qoraa ah oo u dhalatey dalka Ingiriiska laguna magacaabo Janet Wynter ayaa markii ay sheekadan maqashay, waxa ay qortay buug ay carruurta reer Yurub ugu talo-gashay in ay ka bartaan geesinnimada iyo muwaaddnnimada ku jirta sheekada Marwo Caaliya Maxamed, waxayna u bixisay ''The Librarian of Basra'' kaddibna waxa buugga loo rogay masrixiyad lagu soo bandhigay dhowr masrax oo caalami ah.
Maktabaddii Basra dib ayaa loo dhisay. Marwo Caaliya Maxamed-na buugaagtii ayey ku soo celisay. Waxaana maamulaha guud ee maktabadda laga dhigay Marwo Caaliya Maxamed.
Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Qalinkii: Ayaanle Maxamed X Jaamac.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA