Waxey ahayd gabar lugaha naafa ka ah socodna aan awoodin, wiil deriskeeda ah ayaa gabadhii dabeecad iyo dhaqan wanaag ku jeclaaday inuu mehersadana ka codsaday. Gabadhii markey farxadaa hooyadeed u sheegtay ayey hooyadeed ilmaysay waayo horaa hooyada loogu sheegay in gabadhani madhaleys ahaan doonto weligeed.Markaas ayaa hooyadii tiri waa khasab inaad wiilkaan guur doonkaa u sheegto inaadan dhalayn ilmo ama caruur.
Gabadhii ayaa tiri hooyo habeen walba markaan tukado ayaan ilaahay ka baryi doonaa inaan hooyo noqdo. Hooyadii ayaa ugu jawaabtey hooyo maxaad saadaal iyo mala awaal isugu maaweelineysaa dhakhaatiirtii oo dhami waxey isku raaceen inaad madhalays ahaan doonto weligaa, runta u sheeg wiilka waxbana haka qarine.
Gabadhii wey yeeshay talada hooyadeed waxeyna wiilkii u sheegtay in madhalaysnimo u dheeratahay naafanimada balse wiilkii wuxuu ku adkaystay inuu guursado xattaa hadey ma dhalays naafa ah tahay sidaas ayuuna ninkeedii ku noqday.
Halkaas ayey gabadhii habeen walba markey tukato ku ducaysan jirtey "Eebow waxaad iga qaaday nimcadii socodka ee nimcada hooyanimada ha ii diidin". ducadaan ayey 14 sano ku duceysanetsey kamana aysan daalin.
ILLAAHEY wuu u aqbalay ducadeedii sadex mataana ayuuna ku sharfay, halkaas ayeyna farxad iyo hooyanimo ku noolaatay gabadhii.
Xikmadda Qisadan ay xambaarsantahay waxaa ka mid ah:-
1. In runtu horseed u tahay guusha.
2. In ducada la joogtayo ILLAAHEY aqbalo.
3. inaan naxariista alle marna laga quusan iyo in eebbe lagu kalsoonaado.
2. In ducada la joogtayo ILLAAHEY aqbalo.
3. inaan naxariista alle marna laga quusan iyo in eebbe lagu kalsoonaado.
Fadlan Walaal Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Xigasho: Abdi Aziz Bandiirad.
No comments:
Post a Comment