SUPPORT WEBSITE

Friday, May 6, 2016

QISO: WIILKAAN SABABTA UU UGUURSADAY DUQDAN MARKAA AQRISID WAA ILMEYNEE.

Jamiil waa nin dhalin yaro ah wax ay shaqadiisu tahay darawal bas yar wada, wax uu qaadaa subax walba macalimiin iskuul oo kadurug san magaalada [gobolka burreyda ee wadanka boqrtooyada ee dalkaasi sucuudi arabiya].

Maalinkasta Dariiqa waxa u ku somaraa haweyney duq ah oo aad u wayn oo adhi lajoogta wadada agteeda jawigu aad buu uklulyahay heer kulkuna aadbu u sareeya (Temperature 42c) ayay mareysa naxariis ayaa qabatay gaadhigii ayuu joojiyay markaasu biyo ula dagdagay.

Wuxuu ku yidhi aslaamu caleykum HOOYO hoo biyahan qabow cab markaasay kutidhi [shukran] inankaygiiyow waad mahad santahay.

adaa mudan hooyo ayuu jamiil yiri, waxa u ka codsaday in u ukeeno duhur walba cunto iyo biyo wey ka aqbashay dalabkiisi maalin walba wuu u keeni jiray asaga oo an wax waraysi ah lagalin.

Maalin Maalmaha ka mida ayuu wareystay wuxu ku yidhi marwalba waxa aan ku arkaa adoo adhi lajooga adiga oo ah ruux weyn oo duq ah miyaanad heysan qof ku saacida (ku caawiya),?

waxa ay ku jawabtay walaahi inankeygiiyow cid ikaal maysaa oo ciyaala ama ragg ah ama dumara majiro ehlkay way dhamaadeen cid aan muslimiita ahayn malihi.

waxa u weydiiyay cafimaadkeeda siduu yahay waxa ay ku jawaabtay walaahi wiilkaygiiyo cafimaad keygu wu fiican yahay alxamdulilaah aadbu u wanaagsan yahay.

Waxa u su,aalay majirtaa wax aad u baahantahay oo aan kuu qabtaa habaryar?

waxa ay ku jawaabtay wallaahi wiilkaygiiyow umuraheygu wey wanaagasayhiin alxamdulilaah waxa aan ubaahanahay majirto oo aan ka ahayn shay kaliya oo aa nan awoodi karin hadii aan helo sheygaa wax kastaba waxay inoqon lahaayeen caadi wax kale oo an aduunyada kadoonaya majirto.

Jamiil baa weydiiyey wuxu kuyidhi waa maxay hooyo arintaasi?

Wax ay ku jawaabtay Hooyo waxaan rabaa inaan soo xajo oo kaliya oo aan soo eego guriga ilaahay iyo kacbada oo aan soo duceysto laakiin muxrim mahaysto iraaca man xajikaro muxrim la,aan.

Jamiil wuu firkiray waxa ku yidhi waxaan hayaa fikrad wanagsaan,
Haweenaydii duqda ahyd waxay tidhi wiilkaygiiyow waa maxay fikradaasi?

Jamiil wuxuu ku yidhi waan ku guursanayaa kadibna waan ku xajinaa sidaas ayaan muxrim kuugu noqonayaa kadib marka anu xajka ka soolabano waan ku dalaaqidoona [waan kufuri].

haweyneydii duqda ahayd way kudiirsatay arintaa in badan waanay ku faraxday waxayna tidhi alle wajigaa hanuuriyo waan kugu raacsanahay fikradaas wanaagsan.

jamiil waxa uu ku yidhi haweydii duqda ahayd codsi kadalbo maxkamada si ay isu mersadaan warqado cadayna kasoqaataan haweydii duqda ahayd waxa ay geysatay dalab keedii maxkamada wana la aqbalay halkaas baa laysugu mehriyay labadoodii qaadigina waa uu uduceeyay.

Rajadii iyo dareenkii barsamaadkii dhintay wu so nooladay halkii bay isku aroosteen xiligii xajka wu soo galay wax ay u alaab xidh xidheen xajkii sidaas baana lagu safray illaa iyo guurigii illaahay,

Mudo markii lagu maqnaa ee udhamaaday xajkii wayso laabteen,kabna jamiil wax uu ku yidhi haweyneydiisi waan ofiyay balan qaad kii aan kuu balan qaday waxa aan doonayaa inaan ku dalaaqo (Ku furo).

Haweenaydii waxa ay ku jawaabtay xabiibkaygiyow in aad idalaaqo waan ku balanay lkn wax masruufan kaama doonimaayo xuquuq waxaan doonayaa in aynu isku nikaaxsano janada waxayna intaas sii raacisay awal hore halkii ay ka odhan jirtay wiilkagiiyow hada waxa aytidhi xabiib kaygiiyow ma taqaana haweenku waxa ay aduunka u nebyihiin?

Jamiil waxuu ku jaaway maya
waxa ay tidhi wax ay haweenku ugu necbyihiin o ey dhagahoodu maqlaan waadalaaqa furitaanka.

Sidaas ayuuna ku qabay oo ay iskugu mehersanayeyn waxay u baahatana uu ukeeni jiray.

laba sano kadib wey geeriyootey haweynedi, waxa u ka dhaxlay dhul ayla hayd oo qaali ah iyo iyo afar malyan oo riyaal,

Qisadan Waxa maqlay amiirkii gobolkaas haystay waxuuna amray in looga dhiso dhulkii u dhaxalka u ehley guri weyn, Gabadh yar oo 17sano jiratana loo guuriyo lagana dhigo lataliyaha amiirka arimaha qoyska iyo bulshada.

Runti Qizada wiilkani waxay ahyd mid Qalbigayga samaysay, waxa uu wiilkani sameeyayna waxay ahyd naxariis iyo islaamnimo iyo iyo khayr iyo abaal uu sii dhigtay waxa aan umaleynayaa in lagu cibro qaadan doono, Hooyoyinka aadka u da'da wayn ee aan wax ubad ah haysan ama cid caawisa la saacidi doono. MAHADSANID DHAMAANTIIN

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
  • Sheeko yaroo qosol badan: Bakheyl waa un Bakheyl kkkkkk
    29.01.2016 - 0 Comments
    Nin baa marti ku noqday saaxiibkiis oo gacan adag yacni bakhayla. Markuu soo dhaweeyey ayuu wiilkiisii u…
  • Qiso cajiib ah: Ma Hooyadey amase Cunugeyga oo beerkeyga ah baan bad-baadiyaa?
    18.01.2016 - 0 Comments
    Asc dhamaan Akhyaarta sharafta leh, qisaddan waaa qiso dhab ah waxa ay ka dhacdey wadanka Masar gaar ahaan…
  • QISO XANUUN BADAN: MARKUU DHINTAY BEY KA SHALAYSAY SIDEY NINKEEDA ULA DHAQMI JIRTAY.
    28.10.2016 - 0 Comments
    Wuxuu si aad ah u jeclaa Xaaskiisi, Waxay heysteen laba caruur ah, Wax kasta uu awoodo wuu siin jiray balse…
  • NINKAAN DADKA NIN QAMRI CAB AH OO SHAMUUTOYINKA IIBSADO BEY DADKA UMALEYNAYEEN LAKINSE....
    09.05.2016 - 0 Comments
    Suldaankii Cusmaaniyiintiiinta u dhaxaysay 1623 ilaa 1640. Waxa uu jeclaa inta badan in uu aaddo dhanka…
  • Qiso Jacayl oo diini ah taas oo qofkastoo aqristo ka ilmeysiineyso.Wuxuu ahaa qof iimaan leh, diin leh sida......
    24.12.2015 - 0 Comments
    Wuxuu ahaa qof iimaan leh, diin leh sida caadada ahna dhaqanka uu yaheyna gabdhaha markii laga helo meelo…
  • Qiso aad u xanuun badan.Gabar ayaa waxay Xaramka ku dhex aragtay maamo weyn oo ooyeeysa gacmahana kor u taageysaa oo
    31.10.2015 - 0 Comments
    Qiso aad U Xanuun Badan. Gabar ayaa waxay Xaramka ku dhex aragtay maamo weynoo ooyeeysa gacmahana kor u…
  • QISO MURUGO BADAN: WAXEY TIRI NINKEYGA BAA KUFSADAY GABADHEYDA YAR AYNU DHALNAY.
    15.11.2016 - 0 Comments
    HOOYADANI Waxay hadalkeeda ku bilaabaysaa "Waxaanu ahayn Qoys yar oo iska ladan, Duruufa badan oo Nolosha ah…
  • Qiso Cajiib ah: Ducooyinkeygi dhan waa la aqbal, hal mid mooyee.
    26.07.2013 - 0 Comments
    Hada ka hor ayaa nin Dr ama dhaqtar ahaa oo dr naajix ahaa ayaa gurigiisa ka baxay asagoo u socda…
  • Sheeko Xikmad leh: Wiilka fasalka ku dhexhurday, kadibna xaliyey su,aalo boqolaal sano laga jawaabi wayey.
    19.08.2013 - 0 Comments
    Ardey caajisloow ah, habeenkiina dhafri jiray, ayaa maalin maalmaha kamid ah, waxa uu kasoo qeyb galay,…
  • Qiso Cibro Leh: MAKHLUUQA IYO TASARUFKA ALLAAH SWT.
    17.10.2016 - 0 Comments
    islaan ayaa waxa ay u timid Nebi Daud(calyhi salam). Waxa ay ku tiri “Nabigii ilaahayow rabigaada ma…
  • Qiso Kaa Oohin Doonto Aadna U Xanuun Badan Mudana In Lagu Cibro Qaato “Caasi Waalidiin Ma liibaano”..
    26.09.2013 - 0 Comments
     Qiso Kaa Oohin Doonto Aadna U Xanuun Badan Mudana In Lagu Cibro Qaato “Caasi Waalidiin Ma…
  • QISO CAJIIB AH.Ilaahow wixi masajidkaan so gala naar ha taabsin
    23.05.2013 - 0 Comments
    Waa Qiso cajiib ah nin aya Wuxu yiri habeen Ayaan rerkayga hilib u doonay kadib hilibki asago wada oo u…
  • FADLIGA TOOBADA LEEDAHAY.
    30.11.2015 - 0 Comments
    Ma dooneysaa in laguu kordhiyo maal caruur iyo barwaaqooyin kale hadii [HAA] aad leedahay toobada u deg-deg…
  • HARGEYSA OO KANIISAD WEYN LAGA DHISAY, Iyo Bishop Bertin Oo Amaanay Somaliland+SAWIRO
    01.11.2016 - 0 Comments
    Asalaamu Caleykum wr wb, qoraalkan websitekale(booramanews.com) baa kasoo xigtay war aan aniga qoray ma…
  • Film gaaban: Jooji Cunsurinimada.
    15.01.2016 - 0 Comments
    Film dadka looga wacyi galinayo xumaanta cunsurinimada oo ay sameysay haweeney la yirahdo, Nancy Spetsioti…

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA