SUPPORT WEBSITE

Friday, January 29, 2016

Sheeko yaroo qosol badan: Bakheyl waa un Bakheyl kkkkkk

Nin baa marti ku noqday saaxiibkiis oo gacan adag yacni

bakhayla. Markuu soo dhaweeyey ayuu wiilkiisii u wacay oo

ku yiri aabe saaxiib qaaliya ayaa ii yimid ee tag oo kiilo '

hiliba soo gad ahna kiilada ugu wanaagsan.

Markuu muddo maqnaa buu soo noqday isagoon waxba wadin.

Odaygii oo ay ku kacsantahay baa weydiiyey mee hilibkii aan kuu

diray.

Markaasuu ugu jawaabay aabbe aniga markaan u tegey

hiliblihii baan weydiiyey inuu i siiyo hilibka kan ugu

wanaagsan markaasuu igu yiri waxaan ku siinayaa mid subag ah.


markaasaan is iri maadaama uu

i siinayo subag maan dukaankaba ka gato oon dukaankii

aaday markaasaan ku iri i sii subagga kan u wanaagsan.

Markaasuu yiri subag sida malabka oo kale ah baan ku siin

markaasaan fakaray maadaama uu ku siinayo malab maad malablaha

ka doonatid malabka. Markaan u imid malablihii baan iri

i sii malabka kan u fiican markaasuu igu yiri malab waxaan

ku siinayaa sida biyaha xareedda oo kale ah markaasaan

is iri biyaha gurigaba waa xareedoo kalee maxaad u gadanaysaa.

Marka taasaa isoo celisay aabbe.

aabihii oo garka gacanta ku salaaxayaa yiri wiil heer saraa

baad tahay ee midbaa ku dhaaftay oo kabahaad ku socotay maanta

dhan waad baabbi isay si aad dukaan ilaa dukaan u galaysay


wiilkii baa yiri isagoo ilka cadayna, ma ahayn kabahaygii

kuwaan gashanaa ee waxay ahaayeen kuwii ninka martida kuu ah.

Bakhayl waa bakhayl.

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:


WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.
HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:


WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA