SUPPORT WEBSITE

Saturday, January 30, 2016

Sheeko qosol badan: Tuugadii taksiilaha Malakul Mowt iskaga dhigay kkkkkk

Tagsiile waaberigii iska wata tagsigiisii ayaa lakulmay 

oday weyn oo gar cadoo waddada ul kutukubaya, markaasuu

niyada iska yiri odaygani masaajidka buu usocdaaye horay isaga sii qaad aad ajar kaheshide.

Makraasuu soo qaaday si uu ugaarsiiyo masaajidka. odaygii weynaa ee taksiga saarnaa, mar walba wuxuu kuyiraahdaa taksiilihii midigta uleexo hadana

bidixda uleexo hadana wadadaas toos uqaad. Waxyar ka dib, taksiilihii wuxuu arkay oday kale

oo isna guurguuranaya ulna kutukubaya oo gacantana uhaadinaya taksiilaha. Niyaduu iska yiri labo ajar bal kororso oo odaygana horay 

usii qaad isna. Odaygii taksiga saarnaa baa taksiilihi ka codsaday inuu odaygaa kale uu horay u qaado. 


Markuu odaygii u istaagay ayuu inta dariishadda u dejiyey kuyiri

"Adeer adoo raaliya waan ku gaarsiin meeshaad rabto laakiin odaygan 
saaran baan marka hore meeshuu rabo gaarsiin".

odaygii oo albaabka ku fooraraa su'aalay isagoo yaaban

"Oo adeer mee odaygu?'.
Taksiilihii baa kujawaabay "Waakan i agfadhiya"

Odaygii dibadda taagnaa baa su'aalay 

"adeer cidi mafadhido meeshane 

masakhraansantahay mise soojeedkaa wax kuu dhimay?".

"Adeer ma sakhraansani soo jeedna wax iima dhimine sow kan

i agfadhiya". Ayuu taksiilihii kujawaabay isagoo yaaban

Markaasaa odaygii ag fadhiyey taksiilaha ku soo jeestay oo 

dhagtiisa usoo dhawaaday buu ku yiri "Cid i arkaysa majirto aan adiga ka ahayn".

Hadalkiisii isaga oo sii watuu kudaray "Anigu waxaan ahay malakamootkii ee carar labo rakcadood oo

salaada subaxa tuko, shan daqiiqaad haysataa intaadan ilaahay hor istaagin.

Markuu intaa maqlay taksiilihii ayuu tagsigii kabooday isagoo raadsanaya biyuu kuweyseysto iyo salaadii subax.


Markuu salaadii soo dhameeyey ayuu usoo kacay dhankii tagsigiisii isagoo dhimasho isku diyaarinaya oo leh naftaa lagaa qaadi doonaa, mise tagsiba maleh, labadi odaygina maleh, ileen tuugay ahaayeene.
kkkkkkkkk

Salaama.

2 comments:

  1. Muqtaarfodey
    Muqtaarfodey
    Muqtaarfodey@hodmailcom



































    Muqtaar odey

    ReplyDelete

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA