SUPPORT WEBSITE

Thursday, January 28, 2016

Sh Mohamed Idiris: Waa maxay Xukunka Sujuudidii Madaxweynaha?

Sh Mohamed Idiris ayaa bartiisa Facebooka kaga Hadlay arintii oo baryahaanba facebooka la isla dhexmarayey oo ahayd in madaxweynaha uu u rukuucay maydadkii ciidamada kenyanka ah, isagoon ilaa hada aan ka hadlin dhibaatada iyo xasuuqa ay ku hayaan ciidamada kenya shacabka rer Gedo, Sh mohamed idiris waxuu yiri:

Madaxweynuhu ha caddeeyo arrinka lala yaabay!

Waxaa baraha xiriirka bulshada ilaa shalay dadka Soomaaliyeed aad u hadal hayeen Sawir la soo dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Calaamad Sujuud ku hor istaagey daljirka dahsoon ee Kenya!!
Madaxweynuhu waa nin Muslim ah, dal iyo dad Muslim ahna wuu matalayaa. Dhaqanka Diplomaasiyaddana waxaa ka mid ah (Protocol) loo ilaasho dal kasta madaxdiisa wixii ka caaggan diintooda iyo dhaqankooda, sidaa awgeed wexey dadku is weydiinayaan: Maxaa ku khasbay Madaxweynaha arrin diintiisa kasoo horjeeda, oo dembi weyn ah, halisna uba ah burintiisa?
Waxaa xaq loogu leeyahay Madaxweynaha arrinkaas dadku wada arkay, lana fajacay inuu jawaab ka siiyo waxa ku khasbay?

Xagga xukunka arrinka, Culimada islaamku iskuma khilaafsana Cid aan Ilaahay ahayn in loo sujuudo iney xaaraan maqdaca tahay, wexeyse isku khilaafeen: ma lagu gaaloobayaa mise maya? Qaarkood sida Culimada Xanafiyada wexey qabaan in lagu gaaloobayo ama cibaada ha ula jeedo qofku ama salaan, Culimada qaarna wexey qabaan hadii cibaada loola jeedo in lagu gaaloobayo hadii kalena dembi weyn tahay.
Sidey noqotaba waa arrin culus oo tilmama badan oo aan fiicnayn ka bixineysa Muslimiinta gaar ahaan Soomaalida iyo dadkeeda iyo Dawladeeda. Ilaahow na astur..

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:


WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA