SUPPORT WEBSITE

Monday, January 25, 2016

Qiso yaroo faaido badan: "Ogow wiilkeygiyow runta waa lagu badbaadaa".

Laba Nin ayaa waxey Ceersanaayeen Wiil yar, haddaba Wiilkii siduu uu Ordaayey wuxuu arkey meel lagu Dhuuman karo oo Guri camal ah, Guriga Hortiisa waxaa Fadhiyey Oday Waayeel ah, Wiilkii la Ceersanaayey wuxuu Odaygii ku yiri:- Adeer waa ley Ceersanayaa waxaan rabaa inaan Halkaan ku Dhuunto, Odaygii uma jawaabin, Haddaba, Wiilkii wuxuu iska galay Meeshii, si uu uga Dhuunto Labada Nin ee soo Ceersanaaya, Odeygii oo meeshii iska Fadhiya ayaa waxaa soo maray Labadii Nin oo Raadinaayey Wiilkii, markaas ayey Weydiyeen Odaygii, waxeyna ku yiraahdeen:- Adeer Wiil yar oo Ordaaya Halkaan ma soo Maray, Odaygii ayaa ugu jawaabay:-

Haa, wuxuuna ku Dhuuntay Gurigaas,ayuu yiri, Wiilkii ku Dhuumanaayey Guriga aad ayuu u Naxay Cabsi badana wey soo Wajahday, Blase Labadii Nin ee Ceersanaayey waxey is yiraahdeen:- Odaygaan Been ayuu idiin sheegayaa oo wuxuu Rabaa inuu Gurigaan inagu Mashquuliyo, si uu Wiilkana u sii Dheeraado oo aan Gaari weyno, weyna iska sii Tageen oo Raadiskoodii ayey sii wateen, markii ay Dheeraadeen ayaa waxaa soo baxay Wiilkii yaraa, isagoo Xanaaqsan oo ku Qeylinaayo Odaygii, wuxuuna ku yiri:- Adeer Adigu Naxariis ma lihid miyaa, miyaadan ii Damqaneynin? maxaad ugu Sheegtay meesha aan ku Dhuuntay?, Odaygii ayaa ugu Jawaabay Hadal Xikmadeysan isagoo yiri:- Haddey Beentu wax Badbaadineyso, Runtana wax wey Badbaadisaa, haddii aan Been u Sheegi lahaa, xag Rabbina Dembi ayaan ka Galay, Adigana waxaa laga yaabaa inaadan Badbaadi laheen, balse hadda Runta ayaa ku Bad-baadisay Wiilkeygiyoow, Ogow Runta waa Waddada lagu Badbaado.


Wabillaahi Towfiiq.

(ILAAHOOW WIXII XUN NAGA QABO).

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:


WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA