SUPPORT WEBSITE

Tuesday, January 26, 2016

Qiso xiiso badan oo aad u faaido badan: Ninki danyarta ahaa iyo shimbirtii caqliga badneed.

Nin iska danyar ahaa xoogsatana ahaa oo muruq maal ah, oo  ku nolaa meel magaalo ah oo keyn badan ku dhaweyd, ayaa wuxuu ahaa nin xaabeeysto ah oo xaabada ii biya, wuxuu ahaa nin iska danyar ah dhar wuxuu ka heystay labo qeyd iyo kabo dhamaaday,

dameerna waa uu lahaa oo xaabada ku soo qaato Aroorta hore dhirtu, sidaa ugameysan fogeyn magaalada oo waxay aheyd magaalo uu xaalufku gaarin dadkeeduna dhaqaaleeyan dhirta. waabariga markuu salaada tukado ayuu ninkaasi dameerkiisa ku xiri jidhay hogaanka oo ka xeysan jidhay oo uu u dhaqaaqi jidhay keyn uu asteestay oo dhinaca xaabada ku wanaagsaneed dhirbadana,
dhir badan oo dhimatay oo dhacdayna tiil halkaas oo uu ka soo guran jidhay xaabada , dhir qoyan muugoyn jidhinee, dabadeedna halkaas ayuu ku rari jidhay dameerkiisa. Oo loodhka ama rarka kaliya .dameerka markuu keeno magaalada ayaa goobo mehrado ah oo makhaayado oo uu yaqiin oo macmiil u ahaa uu ka iibin jidhay barqo horaba wuxuu heli jidhay masaariiftiisa.Nin aad u farxad badan kaftan badan buu ahaa Saabir ah Oo risiqa Illaah u qoray ku kalsoon, ogna in Illaah arsaaqdiisuna ay kordhi karto.
Hadaba goobta uu xaabada ka soo guran jidhay waxaa joogay isagana shinbir uu Illaah awood u siiyey inuu hadlo , Shinbirkaas markuu ninkaa halkaa yimaado ayuu ku dhawaaqi jidhay oo ku celcelin jidhay weedh kaliya oo ah
” Dad ladnaan ma’xejiyo ”
Dad ladnaan ma’xejiyo
Dad ladnaan ma’xejiyo

Ninkaasi intuu dhoola cadeeyo markuu xaabda guranayo ayuu odhan jidhay war shinbirkan iska waaqwaaqleh iska hadlaya bal anaga Illaah muuna siiyo ladnaanta anagaa lanaga furfureen oo xejisan laheyn.
Waxay sidaas iskugu jawaabaanba isaga iyo shinbirkaasba maalin maalmaha ka mid shinbirkii hadalka kordhiyey oo ku yidhi war nin yahow xaabada guranaya waa diga i yidhaahda anaa xejisanaya ladnaantee bari laga bilaabo ladnaan baad galeysaaye ee bal ku tala galoo xejiso.
Oo sidee baan ladnaanta ku gaarayaa ayuu yidhi? Illaah baa ku gartay buu shinbirkii yidhiye markaad aad ka baxeyso geed dahan ee aad xaabada wadato eeg dhinacaaga midig ee geedka caleemaha waa weyn magaciisa waxba ha’iweydiine caleentiisa waxoogaa gunto oo qaado,
baraa lagu weydiin donaaye,
Waaga haduu baryana  haku soo kalihin keyntanee magaalada bartankeeda iska maax raga aad la kulanto ee wax ku weydiiya u sheeg inaad wax dabiibi karto,
sidii buu yeelay ninkii oo waagii markii uu baryey dameerkii xarigga kama furinee intuu iska fooldhaqday cadeyday shaax iyo Illaah wuxuu u calfay cabay
Magaalda dhulaanu gaari jidhin bartankeeda iska dhex maaxay , barqadiiba waxaa uu la kulmay askarka ka tirsan boqorkii markaa maamuli jidhay ciidamadiisa ka mid ah magaaldaas,

ragiibaa is hortaagay yidhi inna ba maka taqaan dabiibka ninkaagan, markas buu yidhi haa Illaah baa i baray oo anigu waan shafiyaa dawooyinkana waan akhanaa, qofkii markaa Illaah u garto daawadaa waa ku bogsadaa.
Ina keen bey yidhaahdeen hadaba baryahanba nin wax dabiiba la rabay oo la raadinayey dadbadana wey isku taareen, oo inan baan ku geyn donaaye haduu Illaah kugu dabiibo gacan taada dheregtay maante.
waala soo kaxeeyey oo boqorka aqalkiisa la keenay inan bukta ayaa ladoonayey in loogeeyo boqorkii bey sii mariyeen oo dhaheen nin kan baan soo helnay oo dabiiba.
Boqorkii baa intuu qoslay yidhi warmaxaad qabataa,
Ayuu yidhi xabadaan soo gudhaa
Dad hore miyaad dabiibtay?
Markaas buu yidhi mayee anaa og oo inantan waan dabiibaya aniga igu tijaabiya
Inantii baa la dul geeyey oo caleentii gacanta ku hayey yidhi qaadh calaasho , inantu markaa waa qalfoof sariirtaba lagama garanayo, waa qof diifeysan, hase yeeshee quruxdii uu Illaah siiyey ay ka sii muuqato lafuhu ay ka soo wada baxeen daamanku ay hoos iskugu dhaceen hilibkii kawada dhamaaday oo wada lafo ah.
Inantii ileen waa qof u dadaaleysa nafteeda caleyntii bay afka galisay waxoogaa haday raamsatayba wey soo fariisatay,ayaamo kadibna waa ladnaatay.
Boqorkiibaa dabadeed ninkii u yeedhay oo yidhi balan baa iga dhacday Waana fulinayaa Illaahay hortii inantaa markey ladnaato adaa guursanaya,
dad kale malihi oon iyada aheyne adaa gacan yare adiga ani ii ah
Kaxeeya ayuu yidhi oo u soo labisa oo ninkan dharka ka soo fura,dharfiican baa loo soo galiyey,oo waa lagu soo celiyey,oo inantii ayaa lagu mehriyey.
Subaxii habeenkii uu la aqal galayey subaxeedii ayuu boqorku u yeedhay mafaatiixdii khasriga oo dhan buu u dhiibay oo yidhi adigaa ka masuula khasrigaas dhan,meelkasta wax yaaliin waa kuwaa mufaatiixdii,
muftaaxaa qudha kala hadhay maskhin kaliya ayaan ku ogaleyn waana kan muftaaxan furo,kaana anaa kala hadhay ayuu yidhi, ninkii waa hagaag buu yidhi raalibaan ahay. Farxad iyo reereyn buu ku maamulay aqalkii iyo baladkii iyo wadankii taladiisa loo dhiibay. Hase yeeshe markuumudo joogay,ayey talo ku dhalatay,inantii buu hiif kala bixi waayey aabahaa ani ima aaminsana,iguma kalsoona haday daacadka tahay kalsoonidiisu xilka ani igu wareejiyey muxuu muftaaxa iigala hadhay kaliya oo iigu dhiibi waayey inta kalana anaa gacanta ku haya , anu matuug baan ahay ma’waxbaan xadaa ima aaminsana wixii ugu wanaagsanaa malaha halkaas ayuu ku jidhaa inantii waxay tidhi
war sheydaanka iska naar
war nicmaad ku jirtaa
war xaboole ayaad ahaan jirtay
Waaka Illaah barwaaqo ku siiyey khasrigu ninku isagaa leh oo boqorkiiya haduu muftaax kaliya kaala hadho oo intii kale ku dhiibay maad Alxamdu lilaah tidhaahdid sheydaanka iska naartid.
dhinacii buu saas dhulka la dhigi kariwaayey habeenba habeenka ka danbeeya caradu sii badata, inantii iyo isaguu muran waaga ugu baryaa Orad aabahaa u tagoo muftaaxa wuxuu iiga heysto soo weydii,bal kaba soo qaad adu muftaaxi buu ka hari waayey.
Inantiina wey u bixi weyday oo tidhi aabahay waxaan wey diiyo oo naga maqan oo naga heysto garan mayo wax walba gacantaan ku heysanaa sheydaanka iska naar ladnaantaa baa ku jirtaaye xajiso waa kukaa Maalintii danbe isagii boqorkii isku maqiiqay oo u tagay isku catiiray oo yidhi baqorow iguma kalsoonid ani? boqorkii baa qoslay oo yidhi waayo maxaan kugu kalsoonaan waayey,(ninkii)ma’tuugbaab ahay anigu?(boqorkii) xaashaa kalaah oo wax ceeeb kugu arkay majidho.
(ninkii)boqorow oo hadaa maxaad muftaaxa iigala hadhay? (boqorkii)War muftaaxaa iska ilow oo inanow heyso howshaada
oo dee khasriga dhan adaa maamula anigu hadaan hal muftaaxkala hadhay maxaa kaa galay!. maalintaa ka tag hadana maalin labaad buu u yimid markuu mudo joogay.
Oo yidhi intaas inanta aan qabaa aad dhashay iga tahay hadaad muftaaxa ii dhiibin(boqorkii)waan ku dhiibayaa ayuu yidhi afar adoon halkan taagan yidhi qabta ninkan muftaaxan qaada makhsin uu sheegayo u fura alaabta ku jirtaa siiya isagana bananka u tuura.

Muftaaxii baa la soo qaaday afartii adoon oo gacmaha haya waa la furay mise waxaa ku jidha labadii qeyd ee uu xaabada ku guran jidhay iyo kabihii dhamaaday
dharkii baa laga furay intii baa loo xidhay isagoo ku qaylinaya ninkii war idaaya ayaa banaanka loo tuuray buulkiisii yaraa ayuu ku noqday isagoo ciilshoon subaxii xigtay ayuu dameerkii ka xeystay oo wuxuu tagay dhirtii, isagoo xaabada guranaya ayuu maqlay shinbirtii oo leh.
 Dad ladnaan ma’xejiyo ”
Dad ladnaan ma’xejiyo
Dad ladnaan ma’xejiyo
HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:


WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA