SUPPORT WEBSITE

Friday, January 29, 2016

Qiso cajiib ah: Ninkii Qamri cabka aha ee sabab u noqtay inay muslimto.

nin carab ah oo deggan yurub kaasoo caadaystay inuu baarka habeen walba iska aado si uu uga soo cabbo dhowr koob oo khamri ah. Markuu qamriga ka dhergaba wuxuu la taliyaa naag cadaan ah oo iyaduna sidoo kale inay qamrada cabto u timaada baarka. Habeen walba markuu Qamriga ka dherga ayuu naagta la taliyaa isagoo leh, "Maxaad umuslimi weydey?". "Islaamku waa wax wanaagsan". "isku day inaad islaamto si'aad janada ugasho". Habeen walba intaasuu usheegaa, markuu qamrada iska dherjiyaba. Iyaduna way iska dhegaysataa. 

laakiin todobaad todobaadyada fasaxa ka mid ah ayay soo waraysatay dadka oo waraysi dheer gashay waxa islaamku yahay, markaasaa loo shegayay oo lagu yiri, wakaa islamic center ee orodoo soo weydii nagana tag, oo xataa kuwii aqoonta u lahaa dhibsadeen markay su'aasha ka badisay si'ay halkaa ugaga soo hesho jawabtay rabto. Waxay tagtay islamic senterkii markaasay iyaguna siiyeen buugaagta laga barto islaamka iyo quraankoo ku tarjuman afkay taqaanno. wey isaga soo tagtay. Aqris badan ka bacdi bay ku qanacday islaamkii oo muslintay. Maalin bay ku soo noqotay wiilkii carabka ahaa baarkii ay kawada cabi jireen khamriga iyadoo xijaaban markan. 


Wiilkii carabka ahaa ee sababta u ahaa in ay muslimto ayey isha isku dhufteen isagoo qamrigiisi iska cabayo oo mashquulsan. Markuu arkay bay usoo dhawaatay markaasuu u istaagay isagoo leh "Maxaad isku samaysay?". Markaasay ku tiri "Oo maxaa dhacay?". Isagoo koobkii qamriga gacanta ku laalaadinaya ayuu ugu jawaabay "Sidan maadan ahaan jirin, markii hore waad qaawaneyd haaf baad haddana dharkaagu waa dhanyahay". Markaasay ku tiri "Waxaan kugu imid in aan kuu bishaareeyo oo waan muslimay". "oo maashaa Alaah sidee ku dhacday?". ayuu su aalay isagoo dhacdhacaya. 


Waxey ku tiri, "Markalaan kuu warami doonaye, waxaanan halkan u imid inaan kuu mahad celiyo" iyadoo hadalkii sii wadata ayay ku dartay "waxaad ubaahato waan kusiin ileen adigaa lahaa sababta wadadaan macaanka badan aan ugu hanuunay". Isagoo yaaban ayuu weydiiyey"Sidee yacni?".sidee aniga aan sabab kugu ahaa in aad hanuunto? Waxey tiri, "Waxey ku tiri, ma xasuusaneysid wayo waad saqraansaneyd markaas ee iga codso maxaan kuu ofiyaa oo codsiya kuuguna abaal gudaa" Intaas ayay hadalkii ku soo koobtay iyadoo hortaagan weli isagii. Markaasuu ku jawaabay "Walaahi haday sidaas tahay waynu isnaqaanaa labadeennu adna xaas matihid anna marwo malihiye ka warran haddaan anna gacantaada kutoobad keeno oo aynu is aroosno?". Waxba kama qabo" ayay ugu jawaabtay. 

Illaa hadana way wada noolyihiin Ilaahay ha isku barakeeyo aamiin. Salaama

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA