SUPPORT WEBSITE

Thursday, December 24, 2015

QISO YAR OO CAJIIB AH. MARWADII CAQLIGA BADNEED.

Nin Qoraa ahaa ayaa isaga oo Fadhiya Qolka uu had iyo jeer wax ku Qorto Gurigiisa Warqad iyo Qalin soo qaatay ayaa wuxuu Qoray.

Sannadkii aynu ka soo Gudubnay waxaan Sameeyey Qalliin weyn oo aan Bilo badan Cusbitaalka ugu jiray,oo aan Sariirta saarnaa, waxaana sannadkii hore gaaray 60 sanno anigoo Xanuunsanaya, Aabahay wuxuu Geeriyoodey sanadkii aan ka soo Gudubnay, Wiil aan dhalay wuxuu ku dhacay Imtixaankii uu ku Qalin jabin lahaa Kuliyadda Caafimaadka, ka dib markuu ka haray Waxbarashadii Shil gaari oo la soo Gudboonaday Awgii. wuxuuna ku soo gabagabeeyey Warqadii uu qoray Sannad Adag oo aan Dhib badan la kulmay ayuu ahaa Sanadkii hore ee aynu ka soo gudubnay.

Warqaddii wuxuu kaga tagay Miiskii uu ku Qorayey, Xaaskiisii ayaa soo gashay Qolkii, waxayna aragtay Warqada Miiska saaran, weyna Akhriday Warqaddii uu qoray Ninkeedu.
Xaaskii waxey soo qaadatay Warqad kale, intay hadal ku Qortay ayey Warqadii hore Agdhigtay.Ninkii Odayga ahaa ayaa soo noqday waxuu Akhriyey Warqadii Xaaskiisu qortay, waxeyna u qorneyd sida tan:-

Sanadkii aynu ka soo Gudubnay waxaad ka Ladnaatay (bogsatay) Qalliin weyn oo lagugu sameeyey, oo aad muddo dheer Sariirta u saarnayd, waxaadna gaartay 60 jir adiga oo Caafimaad qaba, waxaad Heshiis la gashay Shirkad weyn oo Buugaagta qorta, si aad ugu Madax Banaanaatid in aad Buugaag qortid.

Aabahaa wuxuu Noolaa 85 sano, Muddadaa dheer wuu Caafimaad qabay, Qofna muusan dhibin, wuxuuna Geeriyooday isaga oo aan Xanuun iyo Dhibaato toona aanu ku Rafaadin. Wiilkaagu wuxuu ka Badbaaday Shil gaari oo sababi lahaa in uu Dhinto, wuuna Caafimaaday isaga oo aan Dhaawac weyn oo aan waligii ka Harin ku dhicin, mana Curyaamin.

Haddaba Qoraalkeeda waxey ku soo Gabagabaysay Ogoow inuu Sannadkii hore uu inoo ahaa Sannad uu ilaaheey Dhibaatooyin badan inaga soo Badbaadiyey, oo inaga mudan inaan Rabi ugu Mahad celino.

(Dulucda Qisadan ay Xambaarsantahay waxey tahay Hadeynu nahay Aadame had iyo jeer waxaynu Tawnaa waxa inaga maqan, laakiin ma Eegno Nimcooyinka tirada badan ee uu ilaahey inagu Manaystay, waxeynu had iyo jeer Eegnaa wixii aynu weynay, balse ma Fiirino wixii layna siiyey).

Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW DARIIQA XAQA NA WAAFAJI).
W.Q:- Macoow Ustaad..

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:

WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA