SUPPORT WEBSITE

Sunday, November 29, 2015

Qiso: Shaqaalihii faqiirka ahaa ee jeclaaday ina boqor.

Boqorku waxa uu dhalay gabar Allah isugu daray qurux, akhlaaq wanaag iyo waliba diin, waxa loogu wan qalay magaca Maryam. Maryam waxa maalin maalmaha kamid ah ay si lama filaan ah u gaday silsilad dahab ah oo ay lahayd aadna qaali u ahayd si ay Masaajid hor Allah ugu dhisto. Waqti yar kadib masjidkii markii gacanta sidaa looga qaaday waxay ay doontay inay maalin soo fiiriso, shaqaalihii ayaa amar lagu siiyay inay faaruqiyaan masaajidka. 
Kadibayay soo gashay oo ay indhaha ka siibtay naqaabkii si ay ugu raaxaysato quruxda guriga ay aaqiro kasii dhisatay. Mid kamid ah shaqaalihii ka shaqaynayay masjidka oo kor saarnaa ayaa lagu ilaaway oo masjidka ku baaqi noqday, waxa uu arkay quruxdeeda kadibna qalbigiisii taagta darnaa markiiba waa uu raacay, gurugiisii ayaa uu ku noqday isaga oo maalinba maalinta ka dambaysay jacaylka uu u hayo inanta boqorku kusii kordhayay illaa uu sariirta dul dhigay oo uu bukaan noqday. Shaqaalahan oo magiciisa la odhan jiray Cali waxa dhashay hooyo da’ ah oo aad iyana u taagdaran, cid kalana aan lahayn isaga mooyaane. Hooyadii ayaa waydiisay Cali: wiilkaygiiyoow sidee laguu hayaa waadigan furaashka ka kici waayaye? Cali: Maamo waxa aan jeclaaday gabarta

boqorku dhalay, waan jeclaaday hadii aan guursan waayona waan dhimanayaa. Hooyadii da’da ahayd iyada oo aad u dareemaysa xanuunka wiilkeeda ayaa ay u jihaysatay dhankii ay ka xigtay inanta boqorku dhalay, waxa ay ku tidhi iyada oo rajo beeshay waxaan kuula socdaa arin aad la yaabi doonto, wiilkayga ayaa ku arkay maalintaad masjididka soo booqatay, waa uu ku jeclaaday adiga la’aantaana masii noolaandoono. Maryam ayaa si qabaw ugu jawaabtay: waan aqbalay. Hooyadii: waan aqbalayaa?!!!!!!! Maryam: Haa waan aqbalay balse hal shardi waa inuu fuliyaa, waa inuu 40 habeen salaatu layl oo aan kala go’ lahayn kadibna diyaar ayaan ahay anigoon wax aduun ah ku xidhaynin. Sidii ayay hooyadii Cali iyadoo faraxsan u baqooshay dhinacii gurigeeda iyo wiilkkeedii oo warkii si dagdag iyo farxad badan ugu sheegtay. Wiilkii oo farxad iyo raynrayn ka muuqato ayaa yidhi marxaba hooyo shardigaa waan fulinayaa. Habeenkii koowaad ayaa taag darri awgeed uu fadhiga ku tukaday, habeen labaad iyo sadexaadkiina sidii oo kale isagoo qalbigiisu ku maqan yahay Maryam. 

 Cali habeenba habeenka kusii xiga waxa uu usii dhawaanay dhanka Allah isaga oo qalbigiisu ku sii xirmayay Allah SWT oo awood usii kordhaysay. Jacayl kale ayaa qalbigiisa ku abuurmay, waa jacaylka Allah SWT isaga oo uu ka tirtirmay baahidii iyo jacaylkii gabartu. 40 kii habeen markay u dhamaadeen ayaa hooyadii waydiisay goorma ayaynu hooyo u tagnaa inantii boqorka ? Cali: Hooyo macaan wax baahiya oo ina haysaa ma jirto imaka, dhabahaantii waxa aan jecelahay Allah SWT oo ah abuuraha dhamaan dunuda iyo korkeeda, isaga ayaa igu filan. Mansha Allah.. Bal fiiri Allah kacabsiga gabartaas, waxa ay garatay in dawada Cali u baahan yahay ay tahay Iimaan iyo Kalgacalka Allah SWT. Faafi maalin kale ayaad fahmi qiimaha waqtiga yar ee aad ku bixisay faafinta fariintane.

 Xuquuqda waxa leh Faaido.com

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:

WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA