SUPPORT WEBSITE

Thursday, November 26, 2015

Qiso: Alle Dartiis waxaad uga tagtid Rabi waxa uu kugu Badala Shay ka kheyr badan


Qiso: Alle Dartiis waxaad uga tagtid Rabi waxa uu kugu Badala Shay ka kheyr badan.


Alle Dartiis waxaad uga tagtid Rabi waxa uu kugu Badala Shay ka kheyr badan...

Sheekh Cali Dhandhaawi ilaahay ha u naxariistee waxa uu ku yiri Xasuus qorkiisii: 
Dimishiq waxaa ku yaaley masjid wayn oo la yiraahdo Jaamic al tawbah, Waa Jaamic 
wayn oo barakaysan oo Quruxbadan, Waxaa loogu magacaabey Jaamic al tawbah Wuxuu ku 
ooli jirey meel Macaasida lagu sameeyo barigii hore, kadibna waxaa iibsadey Mid ka mid 
ah Boqoradii Qarnigii Todobaad ee Hijriga, Intuu dumiyey ayuu masjid ka dhisey.
Masjidka waxaa Joogi jirey Sheekh ilaa Todobaatan jir ah Magiciisana waxaa la oran 
jirey, Sulaym AL Suyuudi, Dadka xaafadda daganina aad bay ugu kalsoonaayeen wixii ku 
saabsan arimaha diintooda iyo duunyadoodaba way ula noqon jireen, Sheekha waxaa la 
joogi jirey Ardey aad u dhawrsani badan oo aan waxba haysan, Masjidka ayuu ka daganaaa 
Qol, waxaa soo maray ardaygaas Inusan waxba cunin laba maalin, wuxuu cunana ma uusan 
heli jirin, maalintii Sadexaad ayuu is yiri waad dhimanaysaa, wuxuu ka fakarey wuxuu 
samayn lahaa, markaasuu wuxuu Is tusiyey In ay u bannaantahay inuu wax soo xado si uu 
dhimashada uga bad baado.

Sheekh Dandaawi wuxuu leeyahay Qisadan waa Qiso dhab ah dadka ay ku dhacdayna waan 
garanayaa.
Masjidku wuxuu ku yaaley xaafado qadiim ah, guryuhu barigii horena way xidhiidhsanaan 
jireen oo dhinaca ayeey isku wada hayeen, qofkuna wuxuu awoodey inuu guri intuu fuulo 
uu xaafadda dhan isu wada maro.
Ardaygii Masjidkii buu dhakada ka fuuley kadibna wuxuu ku dulsocdey xaafadihii isku 
dhegsanaa, indhihiisu waxay ku dhaceen dumar kadibna wuu ka ill laabtey oo wuu ka 
fogaadey, wuxu arkey Gurigi Cidlo ah oo ay ka so baxayso Urta Karinta cuntada, 

Gaajadii haysey awgeed Sidii bir labta oo kale ayaa dhankii guriga loogu jiidey, 

gurigii buu kor ka dalooliyey kadibna Kijadii buu galey, digsigii dabka Saarnaa ayuu 
ka qaadey daboolka, Mise waxaa kar karaya Baadijaan, Mid buu la soo baxay Kadibna wuu 
qaniiney, Ma uusan awoodin inuu liqo caqligiisii iyo diintisii ba u soo noqdey, wuxuu 
yiri " Acuudu billlaah, Ma anigoo
Daalibul Cilmi ah oo waliba Masjidka degan Ayaan 
guryaha dadka u dhacayaa oo Xadayaa?.
Wuxuu sameeyey ayaa la waynaadey kadibna wuu istiqfaarsadey wuxuu ku celiyey 
Baadijaankii dhergii, kadibna wuxu ku soo noqdey meeshuu ka yimid, Sheekhii Darsiga 
bixinayey buu iska ag fadhiistey isagoo aan awoodin inuu maqlo waxa uu sheekhu 
sheegayo Gaajo awgeed.
Markii Darsigii dhamaadey ee ay dadkii kala dareereen, waxaa sheekhii u timid Haweeney 
is asturaysa Dumarkuna xiligaas Way asturnaayeen, Sheekhii bay la hadashey hadal uusan 
maqlin Ardaygu, kadibna sheekhii baa dhinicii ardayga soo jalleecay kaligiis buu arkey 
inuu ka joogo ardaydii, markaasuu u yeedhey wuxuu ku yiri" Reer Ma leedahay? Ardaygii 
wuxuu yiri Maya" Sheekhii wuxu ku yiri Guur ma doonaysaa? Kadibna wuu aamusey, 
Sheekhii ayaa mar labaad ku celiyey Guur ma doonaysaa? Markaasuu ardaygii ku yiri Yaa 

Sayidii Rooti waxaan siisto ma haysto Maxaan ku guursadaa?

Sheekhii wuxuu ku yiri Haweentani waxay ii sheegtey in ninkeedii uu dhintey 
Magaaladanna way ku cusubtahay, Cidna uma joogto aan ka ahayn Adeerkeed oo Wayn, wuuna 
la socdaa hadda, waxayna dhaxashey gurigii ninkeeda iyo macaashkiisi, waxayna rabtaa 
inay hesho nin ay ku guursato Sunada Rasuulka SCW, Si aysan u kaliyoon, oo aysan 
markaa u damaaciyin Dadka xun xun, ee Ma rabtaa inaad guursato? 

Ardaygii wuxuu yiri Haaah, Haweentii buu waydiiyey wuxuu ku yiri Ninkaan adiguna ma 

rabtaa haween yahay? Waxay tiri haaah, Adeerkeed buu u yeedhey iyo laba markhaati, 
Meherkiina Sheekhii baa ka dhiibey wuxuuna ku yiri Qabso Ninkaaga, Kadibna gacantiisii 
bay qabsatey oo gurigeedii bay la aadey, Markey gurigii gashey Ayeey wayjigii iska 
faydey, Mise waaba Gabadh dhalin yaro ah oo Quruxbadan,Gurigii buu eegey Mise waa 

gurigii markii dhawayd Is lahaa Ka xad baadijaanka, Waxay ku tiri wax ma cunaysaa 

Markaasu yiri haah, jikadii bay gashey waxay daboolka ka qaadey Dherigii waxay tiri 
Cajiib badanaa guriga ayaa soo galay maanta, Ardaygii waa ooyey Qisadiii buu uga 
sheekeeyey, waxay ku tiri tani waa Midhaha Amaanada waxaad ka dhawrsatey inaad cunto 
baadijaan xaaraam ah, ilaahay wuxuu ku siiyey gurigii dhammaa iyo gabadhii lahayd si 
xalaal ah.

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:

WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA