Ma dooneysaa in laguu kordhiyo maal caruur iyo
barwaaqooyin kale
hadii [HAA] aad leedahay toobada u deg-deg Allaah
waxuu yiri
asagoo Nabi nuux caleyhi salam hadalkiisi noo shegayo
''waxaan ku iri Rabbigiin danbi dhaaf weydiista
waa danbi dhaaf
badanee . (10 ) Cirka roob badan ha idiinka keene
(11) Hana idiin
kordhiyee xoolo ( maal) iyo wiilal iyo beero hana idiin yeelo wabiyaal
''(12] [ suuratu nuux]
Ma dooneysaa in caafimaad Allaah ku siiyo
awoodna kuu yeelo, Hadii ay jawaabtaadu [HAA] tahay dhageyso Allaah
waxuu leeyahay asagoo nabi huud caleysi salaam warkii uu ku yiri
qoomkiisii caad
noo sheegayo waxuu yiri
'' Qoomkeygoow danbi dhaaf weydiista allaah una
toobad keena
Ha soo diro samada (roobab) Korkiina si badan hana idiin ku kordhiyo
xoog xoogiinii (hore) hana jeedsanina adinkoo
danbiilayaal ah''
(52 suuratu huud)
Ma dooneysa in lagaa nabad giliyo balaayooyinka
iyo halaaga Hadii ay jawaabtaadu [haa] tahay wan filayaa iney
tahayee iga
dhageyso Allaah waxuu yiri
''Allaah ma ahan ( nabi muxamedoow scw) mid
cadaabo (umadaada)
adoo dhex joogo Mana ahan mid cadaabo ayagoo danbi dhaaf
weydiisan '' (33 anfaal)
Ma dooneysaa inaad raaxo ku noolaato aduunka
iyo aakhiradaba
hadii ay jawaabtaada
[HAA] tahay dhageyso Allaah waxuu yiri ''dambi dhaaf warsada Allaah una toobad keena wuxuu idiinku raaxayn nolol wanaagsan'' (huud aayada 3) Waxuu kaloo allaah yiri asagoo hammi weyn
innaga gilinaayo
naxariistiiisa si walbaan u danbaabno ''Waxaad dhahdaa Nabiyow scw addoomadayda ku
xad gudbay
Naftoodow ha ka quusanina naxariista
allaah,allaah waa dhaafa
danbiyada dhamaantood, waana dambi dhaaf
badane naxariis badane '' (suuratu Zumar aayada 53 aad )
Ma dooneysaa in hamigaaga aad hesho ciriiriga
lagaa saaro risqi
waasic aad hesho ? hadii ay jawaabto [HAA] tahay
dhageyso
Nabiga sallaahu caleyhi wasallim waxuu yiri ''Kii laasimaa istiqfaarta Allaah waxuu ugu yeela
hami walbo faraj,
cariiri walbana makhraj( wuu ka saara cariiriga)
waxuuna ka irsaaqa
meel uusan filenyn'' { abuu daawuud ba wariyay }.
hadaba hadii danbiyadaada ay ka tira bateen ciida, haka quusan
naxariista Allaah , Allaah waa uu ku sugaya si aad
ugu laabato
asna kaaga toobad aqbalo ee maadan toobad
keeneen
Sheydaanka yuusan ku kadin waqti ma heysatideeu deg-deg toobada.
Wa billaahi tawfiiq
SUPPORT WEBSITE
Monday, November 30, 2015
FADLIGA TOOBADA LEEDAHAY.
MULKIILAHA WEBKA Ibrahim Hashi ahmed
SALAADA
Labels:
ALLAH KA CABSI,
HA ILAAWIN GEERIDA,
Qiso Cajiib ah.,
SALAADA
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
No comments:
Post a Comment