SUPPORT WEBSITE

Sunday, December 28, 2014

SHEIKH MOHAMED IDIRIS ILA TALI. Urugada Adeerkay..Ma Illaawi Karaa??

Sheekh Waxaan ahay nin dhalinyara ah oo Soomaaliya ku nool, Aabahay wuxuu dhintay aniga oo 3 sano jira.. Waxaanu ku noolayn gobol ka mid ah Soomaaliya, waxaanuna la degganayn Ayeeyaday & Awoowahay Hooyo, oo iyagu na hayey.. Aabahay wuxuu ahaa Madi, Hooyadiis aaney ilma kale dhalin, markuu dhintayna wey gablantay.. Ayeyo Aabe dhashay wexey ku noolayd gobol kale.. Ayeeyaday & Awoowahay Hooyo oo aanu la joogney ayaa wexey ku taliyeen in Ayeeyo Aabe naloo diro, si ay noogo indha qabowsato oo durriyadii madigeeda ay u aragto.. wey na soo jicsimeen Annaga iyo Hooyo, waxaanuna u nimi Ayeeyo Aabe, oo meel baadiye ah deggan.. 

Aad ayey noogu faraxday, dhawr bilood ayaanuna halkaas la joogney.. markii ilaa 3 bil aan joogney ayaa meeshii Abaar xumi ku dhufatay, xoolihiina ayeeyo ka dhamaadeen, noloshiina adkaatay, wexeyna ku talisay in
nala kexeeyo oo meeshii aanu ka nimi nala ku celiyo.. Laakiin meeshaan baadiyaha aan joogno, waqtigaas taleefanna ma jiraan, Taarna ma leh, gaarina waaba dhif in la arko. Waxaa meesha joogey Oday Aabahay la dhashay oo Adeer ii ah, laakiin isagu bah kale ahaa.. Xoola badan ayuu haystey.. Xoolahaasna wexey isugu jireen, qaar aabahay lahaa, iyo qaar ay wadaageen.. Wexey ayeeyo ku tiri: Maandhow Ilmaha iyo hooyadood nooli sii ha ku noqdaan meeshii ay ka yimaadeen! Odaygii Jaanis ayuu u arkay uu is yiri ka faa’iidayso wuxuuna keenay xujjo.. wuxuu yiri: Haddii Naagtu i ogolaato inaan guursado (Hooyo ayuu sheegayaa) waan jicsimayaa? Hadii kale waxba siin maayo!! 

Hooyo Sheekh markaa wexey ahayd qof dhalinyar oo jaamacad ka baxday, Oday reer baadiya ah iney guursatana diyaar uma ahayn! Tan kale guurba markaa uma soo jeedin oo caruurteeda iney korsato ayey rabtey, arrinkiina wey ka diidey.. Isaguna nooma naxariisan, Caruurta uu Adeerka u yahay, oo Xoolohoodii uu haysto..Ayeeyo warqad ayey dirtay, magaaladii noogu dhoweyd ayaa la geeyey, ka dibna waxaa loo diray Ayeeyo iyo Awoowe Hooyo, markii ay gaarteyna wey nasoo dooneen, iyagoo tilmaantii Ayeeyo siisay soo raacay.. 

Annaga waan weynaaney Alxamdulilah, Qur’aankii 12 jir ayaan ku dhameeyey, Dugsi sarena anigoo 18 jir ayaan dhameeyey, waxaanan damcay inaan Dibadda Jaamacad u aado, waxaan u tegey ninkii Odag a ee berigii aan yaraa i xumeeyey, in aan kula xisaabtamo Xoolihii Aabe ee uu diidey anoo yar, Waxaa kaloo sheekh jirey Xoolo Awoowe Aabe dhalay uu ka tegey oo Ayeeyo iyo Eedooyin dhaxal ku lahaayeen oo uu iyagana u diidey, haddaan u tegey, oo aan ku iri: Adeerow Jaamacad baan u socdaa ee wixii aabahay wax iga sii, waa ii diidey, waana i caayey, isagoo weliba xoolihii haysta oo aan ogahay.. Alxamdulilah sheekh anoo samirsan baan kasoo tegey,Hooyo haddaan u imi wexey igula talisay inaan dalka Jaamacad ka galo, waana qaatay, anoo wada ayaan shaqa fiican helay, Jaamacaddii wexey ii dhamaatay 2013, shaqadii shaqa ka fiican oo gobolka kuwa ugu heer saraysa ayaan helay, Alxamdulilah.. Hadda waxaa la iisoo sheegay Odagii oo xanuunsan oo lugihii lasoo laabay oo meel cidla ah yaalla, ilmana ma laha oo waa gablan, Hooyo mar kasta wexey igula dardaarantaa inaan iska cafiyo una asxaan sameeyo, laakiin qalbigayga marna ima siin karo inaan asxaan u galo ama xataa u jiir noxo, marka maadaama uu tiisii gudan waayey, hadaan anna tayda gudan waayo ma dambi baan ku galayaa, mise xaaladdu waa jazaa’u sayi’atin mithluhaa? Sheekh Allaha ku xifdiyo waxaan ilaahay ka baryayaa inuu Jannada nagu kulmiyo nagana dhigo kuwa carshiga Ilaahay wada harsada, waayo Ilaahay dartiis ayaan kuu jeclahay.. ========================================
JAWAABTI SHEIKH MOHAMED IDIRIS XAFIDAHULAAH.
========================================Saaxiibkaas waxaan leeyahay: Walaal Ilaahay haku Jeclaado sidaad dartiis iigu jeclaatay, dembigeenana Allaha dhaafo.. Khayrkana Allaha ku waafajiyo.. Aadanuhu waa miskiin, marka uu caafimaadka qabo, oo xoolaha haysto, wuu ku qooqaa, haddaan Eebe wanaagga iyo dhawrsanaanta solonsiin.. Adduunyaduna waa wareeganeysaa sida garaan garta oo maalinba heer ayey joogtaa, maalin xoog maalin tabar yari, maalin hodon maalin faqri, maalin raaxo maalinna rafaad, maalin caafimaad maalinna cudur, dadkuna sidaas ayey boosaska u kala bedeshaan, qofkii aan taa garan meel xun ayuu ku dambeeyaa.. Haddaba Duqqa Adeerkaa ah tii ku dhacday ma filayo inaad jeceshahay iney adiga ama durriyadaada ku dhacdo, qof walbaana wuxuu Allaha Weyn la hor tegayaa wixii uu geystey, qofna qof kale wax ka xambaari maayo, Odagu wuxuu waajib gabay Rabbi ayaa kala xisaabtamaya, Adiguna hadaad gabto waa sidoo kale.. Sida Hooyoba kugu la talisay ayaan kugu adkaynayaa inaad cafiso oadaga, wixii aad wanaag u tari kartana u tarto, taas adiga ayaa ku raaxaysanaya, oo laabtaadu ku nasaneysaa, waayo Cafisku waa raaxo, Aargoosiguna waa dhimbil dab ah, mana filayo qabow iyo raaxo inaad ka dooraneyso dhimbil iyo kulayl.. 


Maantaba waad aragtaa sabirkii halka uu ku gaarsiiyey, hadaad sii waddana wanaaga ayaa sii badanaya inshallaah, Odagaa Miskiinkaana hadda ayuuba adduunyada ku arkay mirihii kharaaraa ee dulmigiisa, gabow, Cudur iyo Gablan intaas ayaa isu raacday.. Waxaad ogaataa adiga iyo akhristayaashuba, weligaaba aargoosiga aad naftaada is tiraahdo u aar gud, waxaa ka adag oo ka xanuujin badan, Aargoosiga Eebe, Inaad Rabbi u deyso ayaana wanaagsan, isaga ayaa sida ugu wanaagsan daalimiinta uga aar guta, wabillaahi tawfiiq..

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:

WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA