SUPPORT WEBSITE

Sunday, May 4, 2014

Qiso Cajiib ah:subxanalah wuxu dhintay isaga oo sooman wuxu dhintay maalin jimce ah oo nabigu scw sheegay inaanu qofkaas cadaabo qabri lahayn

Qiso Cajiib ah

wiilkan dhalinyarada ah wuxu dhahay waxan ahayn arday tiro fara badan ah oo dhigata jaamacad ku taala magaalada aan ku noolahay waxa nagu fara badnaa xafladaha ay ardaydu qabsanaso markaa anagu waxan ahayn koox heesta oo xafladaha ka heesta waxa musiga noo tumi jiray wiil maxamed la dhaho! dabeeto maalin ayuu nooyimid maxamed isaga oo badalan wajigiisa nuur ka muuqdo si edeblehna u socda markaas ayaanu ku dhahnay maxamed maxaa ku helay wuxu nagu dhahay ilaahay ayaan u tawbad keenay mana rabo ficilada xun inaan mardanbe sameeyo! markaas ayuu hadana bilaabay inuu na waaniyo isaga oo dhahaya wlalaalayaal ma garanano xili aan dhimanano imisaa iyaga oo caafimaad qaba dhintay iyaga oon xanuun hayn! ma ogin xili malagu inoo iman inay tahay hada mar dhow barri ilaahay ayaa og walal aynu tawbad keeno ilaahayna u noqono bishu waa ramadaan khayrka aynu badsano! dabeeto waxan ku dhahay sxb maxamed warkan iska ilaw oo bari sabtida waxa jirta xaflad wayn ee soo diyaar garow! markay aroornimadii sabtida tahay ayaan jaamacadii imid markaas ayaan arkay ardaydaan kooxda wada ahayn oo wajigooda murugo ka muuqato markaas ayaan ku dhahay maxaa dhacay? waxay dhaheen shalay jimcihii maxamed markii uu salada ka soo baxay ayuu gaadhi ku jiidhay masaajidka hortiisa waananu soo aasnay!



• subxanalah wuxu dhintay isaga oo sooman wuxu dhintay maalin jimce ah oo nabigu scw sheegay inaanu qofkaas cadaabo qabri lahayn wuxu dhintay bishii albaabada naarta la xidhay kuwii janadana la furay wuxu dhintay isaga oo khayr ka yimid •

• subxaanalah inagana in badan oo inaga mida ma moogana geerida wuxu ku jiraa qaflad taas oo ah aduunyo wll waxa la inaga rabaa inaynu ku dadaalno arimaha diinta •

• wll ilaahay danbigeena iyo khaladaadkeena ha dhaafo •

• wll ilaahay khaatumada khayr ha inoogu khatimo •

• wll ilaahay ha inaga dhigo safka dhaxla janooyinkiisa •

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:

WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA