SUPPORT WEBSITE

Wednesday, April 9, 2014

QISO CAJIIB AH OO MUDAN IN LAGU CIBRO QAATO.



QISO CAJIIB AH OO MUDAN IN LAGU CIBRO QAATO ( Walaalkeygow iyo Walaasheydiyee Aqriso ).

Sheekha Riyooyinka Fasiro, oo lagu Magacaabo Sheekh Wasiim yuusuf ayaa waxa uu ka Sheekeenayaa Arrin ku Dhacday, wuxuuna Hadalkiisa ku Bilaabay:- Haweenay ayaa iila soo Xiriirtay way Oynaysay ilaah aan ku Dhaartee Oohinteeda ayaa Oohin iiga keeni Gaartay.
Markaas ayaan iri: Walaashey Nafta Adkeey si aan ku Maqlo, kolkaas ayaan ku iri Maxaa kugu Dhacay?, waxay tiri Dembi Dhaaf ma leeyahay Aniga? Kolkaas ayuu Sheekhii yiri:- Dembi Dhaafka maxaad Sameysay?,
Waxey tiri:- Aniga iyo Ninkeyga ayaa Dhib inaga Dhex dhacay., Sheekhii baa yiri:- bal ii Sheeg? kolkaas ayey tiri:-Aniga waxaan Fadhiyey Barandada ama Daashka, waana Canaananaayey waxaana dhahaayey Adiga haddii aad Nin tahay Ifur Adiga Sharaf ma lihid haddii aad Sharaf leedahay Ifur,
Isagana wuu i soo Fiirinayaa, ka dib

waxaan iri: Wallaahi Ciyaalkeyga ayaan Wadanayaa Albaabka Maxkamadana waan kugu Ceebaynayaa, Caruurtaadana heli maysid, Usbuuciina Hal maalin ka badan Arki maysid, intaas ka dib haddana wuu i soo Fiirinaayey, ka dib waxaan dhahay ii jawaab Adiga Nin Ragga ma tihid.
Markuu Aamusay waan Cabsaday markii aan Xaggiisa Aadayba Nafta way ka baxday, Ambalaasta ayaan la Xiriiray way yimaadeen, Dhaqaatiirtiina waxey sheegeen iney Maskaxdiisa Istaagtay, ka dib waxaan Dareemay inuu u Adkeysan waayey Hadaladii aan Aniga ku Iri. Haddaba, Sheekhoow Towbad ma ii Banaan tahay Ciyaalkeyga Aniga ayaa Agoon ka Dhigay, sidoo kale Ragga iyo Dumarka ma Dareemaan Nimcooyinka Alle ilaa ay waayaan.
Sheekhii markuu intaas ka Dhageystay Haweeneydii, ayaa wuxuu yiri:- Sheekadaan markaan Maqlay waan Gariiray, waxaana iri: Alle waxaan ka Baryaa Imtixaanka lagu Imtixaamay inuu na Imtixaanin ee Towbad keen, Naag Dhaheyso Ninkeeda Nin Rag ma tihid Sharaf haddii aad leedahay Ifur, Nebiga CSW, wuxuu yiri:- Haweenayda Ninkeeda Furiin ka Dalbata Dhib La’aan waa ka Xaaraan Carafta Jannada.

sidoo kale Nabiga CSW, wuxuu yiri:- kuwa Furiinka Dalba waa Eyga Munaafiqiinta, Furiinka dhaca Caruurta oo joogaan waa Dambi aan la Cafinaynin.
Wabillaahi Towfiiq.
(ALOOW DEMBIGEENA IYO KII WAALIDKEENABA CAFI, YAA RABBI)

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:

WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
  • Qiso yaroo faaido badan:
    25.01.2016 - 0 Comments
    Laba Nin ayaa waxey Ceersanaayeen Wiil yar, haddaba Wiilkii siduu uu Ordaayey wuxuu arkey meel lagu Dhuuman…
  • SH MOHAMED IDIRIS ILA TALI: NINKEYGA SALAAD MA TUKADO MANA RABO IN ISKA FURO WAYO WAA JECLAHAY.
    24.10.2016 - 0 Comments
    asc sheikh aduun iyo aakhiro Allah haku barakeeyo xasanaad aan lasoo kobikarin allah ku siiyo, waxaan ahay…
  • Qiso aad u cajiib badan oo Muuqaal ah Sh-Ahmed Nuur
    01.12.2015 - 0 Comments
  • Qiso cajiib ah: Maxaa ka oohiyey macalin Abdiqadir Xiito
    15.10.2016 - 0 Comments
    Waxuu yiri Macalinka, Qaarkiin waxaa laga yaabaa in aad is weydiisaan, maxuu macalinka u ooynayaa? Waxuu yiri…
  • QISO CAJIIB AH. (Boqorkii ka Cararay Boqortooyadiisii).
    26.04.2014 - 0 Comments
    QISO CAJIIB AH.(Boqorkii ka Cararay Boqortooyadiisii).Nin Ummadihii Hore ka mid ah oo uu ku sugan yahay…
  • Qiso Cajiib ah: MUSLIM MA AHI LAKINSE WAAN DUKADAA SALAADA. MUST READ!!!
    28.07.2013 - 0 Comments
    Qiso Aad Iyo Aad U Cajiib Ah Cibro Qaadashana Mudan “Muslim Maahi Lakin Waan Dukadaa Salaada”. MUSLIM MA…
  • Qiso: Xanuunka Jaceylka Qurbaha QEBTA KOOWAAD.
    28.11.2015 - 0 Comments
    Xanuunka Jaceylka Qurbaha Qebta Koowaad. Faiza waa gabar somaliyeed. Waxeey ku dhalatay somalia, Intaa kadib…
  • Qiso: markey Dhibaato ku Heysato suuradahan Akhriso, Cidna Wax kaa Qaadimeyso oo Ilaah ayaa kaa Bad-baadinaayo.
    27.12.2015 - 0 Comments
    QISO YAR OO CAJIIB AH.Gabar yar oo Dhalinyar ah ayaa ka soo Rawaxday Dugsi ay Dhigan jirtay, ka dib ayaa…
  • Qiso: Waligaa Ra,yigaaga gaaban haku xukumin qofna, waayo ma ogid sida ay noolashooda tahay iyo waxa ay la tacaalayaan.
    18.08.2013 - 0 Comments
    Doctor baa waxuu isbitaalka kusoo galay si dag dag ah, waayo waxaa loogu wacay in uu qalniin sameeyo, wuuna…
  • SHALAY MAANTA KU ILOOW, MADAXWEYNIHII UGU HOREEYEY....
    30.12.2020 - 0 Comments
    Mudo xilleedkiisi koowaad, wuxuu dhammaaday iyadoo aan hal Askari iyo hal qof oo shaqaale dawladeed ahi aannu…
  • Qiso xanuun badan: Wiil hooyadiis ka doortay xaaskiisa
    08.12.2015 - 0 Comments
    Waxaa jiray Nin ay Hooyadii ay la daganeyd wax Caruur ahna asaga ayay ka dhashay, waxa uu lahaa xaas iyo…
  • Qiso Jacayl oo diini ah taas oo qofkastoo aqristo ka ilmeysiineyso.Wuxuu ahaa qof iimaan leh, diin leh sida......
    24.12.2015 - 0 Comments
    Wuxuu ahaa qof iimaan leh, diin leh sida caadada ahna dhaqanka uu yaheyna gabdhaha markii laga helo meelo…
  • QISO GAABAN OO KU CIBRO QAADASHO MUDAN: Nin odey ah oo meel ku ooynaaya ayaa u yimid nin markaas buu waydiiyey maxaad la oyneysaa adeer? Odeygii aya ku jawaabey:
    28.09.2013 - 0 Comments
    QISO GAABAN OO KU CIBRO QAADASHO MUDAN:   Nin odey ah oo meel ku ooynaaya ayaa u yimid nin markaas…
  • Film gaaban: Jooji Cunsurinimada.
    15.01.2016 - 0 Comments
    Film dadka looga wacyi galinayo xumaanta cunsurinimada oo ay sameysay haweeney la yirahdo, Nancy Spetsioti…
  • DARDAARAN WIIL IYO AABIHIISA:-
    26.04.2014 - 1 Comments
    Aabaha wuxuu Wiilkiisa ku yiri:- 1- Wiilkeygiyoow wax kasta oo Macaan ayaan Dhadhamiyey, mana Arag wax…

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA