SUPPORT WEBSITE

Saturday, July 20, 2013

Qiso: ABAALKAAD GASHO WUU KUU SOO LAABANAYAA .

Maalin maalmaha kamid ah ayaa nin wuxuu arkay haweney waayeel ah oo dhinac taagan gaari Marsheedis ah (Mercedes), wuxuu soo aaday dhankeeda, markuu u soo dhawaday ayuu arkay in gaariga ay lug (taayer) ka banjartay, islmarkaana aysan awoodin in lugtaas ay gaariga ka badasho.

Xiliga oo habeen ahaa iyo wadada oo cidlo aheyd, haweyneydii markey aragtay ninkaan dhankeeda u soo socdo ayey ka shakisay, wayna ka cabstay inkastoo uu dhoola cadeynayay, muuqaalkiisa ayaa wuxuu ahaa nin duruuf ay ka muuqato, wasaq badan, baahi badana laga dheehan karay.

Isagoo dareemay in ay ka baqaneyso ayuu ku yiri, “Mama waxba ha cabsan aniga waxaan rabaa kaliya in aan ku caawiyo, magaceyguna waa Nuur.”

Nuur ayaa wuxuu bilaabay in uu gaariga lugta ka badalo, xoogaa kadib waxaa u suura gashay inuu badalo taayarka inkastoo gacanta uu dhawac fudud ka gaaray.


Mamadii ayaa u mahad celisay, waxayna waydiisay qiimaha lacageed ee uu doonayo in ay siiso maadaama uu shaqo u qabtay, Nuur ayaa ugu jawaabay “hadii aad dooneyso inaad aniga ii abaal gudo, waxaad
caawisaa, markaad aragto qof dhibaateysan oo caawin u baahan sidii adiga aad ugu baahneyd oo kale, kadibna aniga isoo xasuuso.”

Sidaa ayaa lagu kala tagay dhowr Kilo Meter markii ay socotay ayaa mamadii waxay aragtay maqaayad (maqaaxi) yar oo wadada dhinaceeda ku taala, waxay aheyd maqaayad yar oo 4 kuraas kaliya taalo cuntooyin badana aan laga helin, kabalyeeriyada maqaaxidaasi joogtay ayaa waxay aheyd haweney, Maamadii gaariga wadatay ayaa dalbatay koob shaah iyo casho fudud, markii kabalyeeriyadii ay keentay ayey Mamadii dareentay in gabadhu ay uur qiyaastii 8 bilood ah leedahay, islamarkaana waxay is waydiisay waxa ku kalifay iyadoo sidaa u culus inay shaqeyso, balse way iska cadeed oo duruufta jirta wajigeeda ayaa laga dheehan karay.

Markii ay cashadii dhameysatay ayey u dhiibtay $100, gabadhii ayaa waxay aaday qaanada (qasnada) si ay sarif ugu raadiso baaqigana ugu soo celiso, balse markii ay soo laabatay waxay aragtay Mamadii oo meesha ka maqan, waxayna indhaheedu qabteen warqad yar oo miiska dul sarneyd, markii ay aqrisay ilin ayaa ka soo daadatay, waxaa ku qornaa warqada.

“Wax lacag ah kuguma lihi, qof ayaa hada ka hor I caawiyay sida aan ku caawinayo oo kale, saxanka hoostiisana waxaa ku jira $400 kale oo dheeraad ah, adiga ayaana iska leh.”


Habeenkaas maalinkii xigay ayey sii shaqeysay waayo iyadaa shaqada ku qorneyd, habeenkii dambe ayey gurigeeda aaday, markii ay guriga tagtay ayadoo sariirta jiifta ayey soo xasuusatay Mamadii waxayna layaabtay sida ay ku ogaatay baahida badan ee lacagtaas u qabeen iyada iyo saaygeeda, maadaama ay bil kadib rajeynayeen in uu cunug (baby) u dhasho, xaaladoodana ay aad u adkeyd, sidoo kale waxay ogeyd in gacaliyeheeda uu aad uga walwalsanaa sidii uu qarash-ka isbitaalka ku heli lahaa.

Isagoo dhankeeda midig jiifa ayey dhagta afka u saartay waxayna si cod dabacsan ah ugu sheegtay, “Macaane, Nuur wax walba waa ok, qarashkii aan u baahneyna anigaa haya.”

Waxaa Qoray: Cabdijaliil Maxamed

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:


WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
  • SHEIKH MOHAMED IDIRIS ILA TALI. Urugada Adeerkay..Ma Illaawi Karaa??
    28.12.2014 - 0 Comments
    Sheekh Waxaan ahay nin dhalinyara ah oo Soomaaliya ku nool, Aabahay wuxuu dhintay aniga oo 3 sano jira..…
  • Haweeney U Dhalatey Dalka Sacuudiga Oo Si Cajiib ah Eebe Uga Bad-Baadey Kufsi Lagula Kici Lahaa.
    11.10.2016 - 2 Comments
    Gabadhan waxa ay ku nooleyd Magaalada Riyaad, waxaana ay aheyd gabar Macalimad ah,iyadoo gabadhu aheyd mid…
  • QISADII NAZIID: WAXEY I WEYDIIYAAN MAXAADAN U AADIN AROOSYADA WAA YARTAHEE, MAA ISKA BAASHAASHID?
    02.11.2016 - 0 Comments
    Waxay tidhi Aabe waxuu geeriyooday aniga oo yar, waxaan ahaa Yaraanka Hooyaday, isla markaana Ilmaheeda…
  • ISKU TARBIYEE 20KAN SIFOOD SI AAD U NOQOTID QOF LA JECELYAHAY.
    11.01.2016 - 0 Comments
    Hamoodin qofku inuu soo dhasho isagoo la tixgaliyo ama la jeclyahay. Laakiin waa wax la kasbado lana…
  • Qiso Cajiib ah: MUSLIM MA AHI LAKINSE WAAN DUKADAA SALAADA. MUST READ!!!
    28.07.2013 - 0 Comments
    Qiso Aad Iyo Aad U Cajiib Ah Cibro Qaadashana Mudan “Muslim Maahi Lakin Waan Dukadaa Salaada”. MUSLIM MA…
  • Qiso cajiib ah: SIRTA SALAADA  kujirto. In la aqriyo ayey mudantahay!!!!
    21.08.2013 - 0 Comments
    SIRTA SALAADA Imaam qazaani ayaa waxaa wax  laga weydiiyay sirta salaada kujirto.  markaas buu si…
  • QISADAAN NABIGA SCW IYO JULAYBIIB DHEXMARTAY WAA HUBAAL IN EY KAA ILMEYSIINEYSO.
    08.05.2016 - 0 Comments
    Julaybiib waxa uu ahaa Nin Faqiir ah, oo midabkiisu madawyahay, dhererkiisuna gaabanyahay oo ka mid ahaa…
  • Qiso: Khaatumada Wanaagsan: Walaalkeey 15 sano muusan tukan.
    11.11.2016 - 0 Comments
    Waxuu yiri: Afar wiil oo Dhalinyaro ah ayaan ka soo qaaday Magaalada Riyaad ee Dalka Sacuudiga, waxayna…
  • Sheeko gaaban: Lamaane markaas aqal galay ayaa maalinkii koowaad ee arooskooda waxey ku heshiiyeen in aysan ...
    28.09.2013 - 0 Comments
    Sheeko:-Lamaane markaas aqal galay ayaa maalinkii koowaad ee arooskooda waxey ku heshiiyeen in aysan qofna…
  • SHEEKO NAXDINLEH,
    20.07.2013 - 0 Comments
    Gabaryar oo dhigata jamacada-kuliyada tarbiyada ayaa waxaay kawarameysaa sidii ay kuweydey wixii ay…
  • Qiso cajiib ah, oo faa,ido badan.
    29.01.2014 - 0 Comments
    Nin waxaa jirey fundi ahaa oo guryaha dhiso wuxuuna ushaqayn jirey mid kamida sharikadaha waawayn. Ninkii…
  • Qiso aad u xanuun badan.Gabar ayaa waxay Xaramka ku dhex aragtay maamo weyn oo ooyeeysa gacmahana kor u taageysaa oo
    31.10.2015 - 0 Comments
    Qiso aad U Xanuun Badan. Gabar ayaa waxay Xaramka ku dhex aragtay maamo weynoo ooyeeysa gacmahana kor u…
  • MARWALBA ALLAAH TALO SAARO.  ***Sheeko Qalbiga Taabaneysa****
    14.10.2013 - 0 Comments
    MARWALBA ALLAAH TALO SAARO. ***Sheeko Qalbiga Taabaneysa****Gabar ayaa habeen waxay ku soo daahday xaafada…
  • SH MOHAMED IDIRIS ILA TALI: NINKEYGA SALAAD MA TUKADO MANA RABO IN ISKA FURO WAYO WAA JECLAHAY.
    24.10.2016 - 0 Comments
    asc sheikh aduun iyo aakhiro Allah haku barakeeyo xasanaad aan lasoo kobikarin allah ku siiyo, waxaan ahay…
  • HA U RAACIN CULIMADA SI INDHO LA'AAN AH.Waa shaki la'aan in culimadu yihiin kuwa ambiyada ka dhaxla cilmiga diinta oo way mudan yihiin in lagu ixtiraamo taas sida diintaba tirtirsiisay,
    30.12.2015 - 0 Comments
    Waa shaki la'aan in culimadu yihiin kuwa ambiyada ka dhaxla cilmiga diinta oo way mudan yihiin in lagu…

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA